Home Wararka Maanta Madaxweyne Gaas oo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland

Madaxweyne Gaas oo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland

403
0
SHARE

Garoowe:-Digreeto Maanta Kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawlad Goboleedka  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magcaabay xeer Madaxweyne Lr.101 August 16 2017 Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha, Ahna Af-hayeenka Madaxtooyada Cabdullahi Maxamed Jaamac (Quraan-Jecel).

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:- Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:- Aqoontiisa iyo Khibradiisa Shaqo.

Wuxuu Xeeriyey:-

Waxaa Cabdullaahi Maxamed Jaamac ( Quraan Jecel ) loo magcaabay Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha, Ahna Af-hayeenka Madaxtooyada.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here