Home Wararka Maanta SAWIRRO:- XIriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud oo Ka War-bixiyay Tartankii Aduunka...

SAWIRRO:- XIriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud oo Ka War-bixiyay Tartankii Aduunka ee London2017

310
0
SHARE

Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud ayaa ka warbixiyey Tartankii aduunka ee IAAF Championship 2017 oo Magaalada London lagu Soo gabo gabeeyey, iyadoo Wafdi iyo Ciyaaryahan ka Socday Dalka ay ka qeybgaleen Tartankaasi iyo Congresskii halkaasi ka dhacay.
Marwo Khadijo Aadan Daahir Gudoomiyaha XSCF oo Hogaamineysay Wafdiga Somalia u metelayey Tartankaasi ayaa sheegtay in Tartanka ka hor Xubnaha XSCF ay Magaca Somalia uga qeyb galeen Shir weynaha IAAF ee Aduunka oo ay ka qeybgaleen dhamaan Dalalka caalamka ee xubnaha ka ah xiriirka Aduunka halkaa oo Ajandayaal badan oo horumarinta Ciyaaraha Fudud iyo qodobo kale lagu ansixiyey.
“ Waxaa Halkaan si aad ah Noogu Soo dhoweyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Leicester oo inoo Muujiyeen Jaceylka Soomaalinimada ay u qabaan, waxaana kadib inoo sameeyeen Marti qaad weyn, iyagoo Ballan qaaday iney gacan siin doonaan XSCF oo ku howlan Horumarnta ciyaaraha fudud ee dalka”ayey Tiri Gudoomiyaha oo si weyn ugu Mahad celisey Jaaliyadda Leicester.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xustey in Tartankii 5000m ee Soomaliya uga qeybgaley Orodyahan Maxamed Daa’uud uu ahaa mid Guul ay kasoo hooyeen marka loo eego Saacadda uu Sameeyey oo ahayd 14:30:00 iyadoo markii hore uu ku ordi jirey 16:30:00 taasoo aad loogu Hambalyeyey Orodyahanka iyo Xiriirka.
Ugu danbeytii Gudoomiyaha XSCF waxaa ay Sheegtay in Soomaaliya oo dhibaatooyin badan ay ka dheceen hadana Dhaq dhaqaaqa Sportigu gaar ahaan Ciyaaraha Fudud uu ahaa mid si Joogto ah uga dhex Muuqdey Masraxyada Caalamka taasi oo ay Amaan ku Muteysteen, waxaana dhowaan Kulano la yeelan doonaan Jaaliyadda London iyo qaar kamida Madaxda Xiriirada caalamka kahor inta aysan Wafdigu dib ugu soo Laaban Dalka Soomaaliya.

C/Xafiid C/Samad Zaciimka
E-mail: Zaciimka02@hotmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here