Home Wararka Maanta Gudoomiye Baarlamaanka Hir-Shabelle oo Taageeray Go’aankii Xilka Looga Qaaday Madaxweyne Cali Cabdulaahi...

Gudoomiye Baarlamaanka Hir-Shabelle oo Taageeray Go’aankii Xilka Looga Qaaday Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble!

329
0
SHARE

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa goor dhow ayiday xil ka qaadistii Xildhibaanada Hirshabeelle shalay ku sameeyeen Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble.

Sheekh Cusmaan oo saaka gaaray magaalada Jowhar ayaa shir haraa’id oo uu ku qabtay waxaa uu sheegay in wixii shalay dhacay ay ansax tahay.

Waxaa uu sheegay in xilka si KMG ah uu u heyn doono Madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlaawe Xuseen, waxaa uu tilmaamay in dhowaan la soo magacaabi doono Guddi doorashoi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Dastuurka Hirshabeelle uu farayo in muddo 30 cisho lagu soo doorto Madaxweyne.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa wehliyay labadiisa kuxigeen, Madaxweyne kuxigeenka iyo Xildhibaano fara badan oo ku sugnaa.

Waxaa uu Guddoomiye Cismaan Barre intaas ku daray in Madxweynaha la soo dooranayo uu ka iman doono Beesha uu ka soo jeedo Cali Cabdullahi Cosoble.

Waxaa kale oo uu sheegay in inta laga soo dooranayo Madxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle uu Maamulkaas madaxweyne ka sii ahaanayo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Dhinaca kale Madaxweynaha xilka laga qaaday Cali C/llaahi Cosoble ayaa lagu wadaa inuu isna goor dhow shir jaraa’id qabto oo uu qaadaco xil ka qaadistii shalay.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here