Home Wararka Maanta Beesha Tanade ‘Nidamka Dowliga ah ee Puntland wuxu u afduuban yahay Majeerten’

Beesha Tanade ‘Nidamka Dowliga ah ee Puntland wuxu u afduuban yahay Majeerten’

252
0
SHARE

Magalaada Garowe oo muddo Sadex bilood kulamo beesha Tanade qaar ka tirsan Issimadooda iyo ergooyin kale ugu qabteen Issimo ka tirsan Puntland kaasoo ay ku codsanayeen in loo kordhiyo tirada Xildhibaanada Barlamanka Puntland ayaa waxaa uu ku soo dhamaadey guuldaro kadib markii mudanayasha aqalka Barlamanka diideen.

Fashilka ku yimid barnaamijkaan ayaa ergooyinkii iyo qaar ka tirsan issimada beesha Tanade waxay galabta soo saareen warmurtiyeed ay kaga hadlayaan arinkaan iyagoo eed Dusha uga tuurey qaar ka tirsan beelaha walaalaha ee wada daga degaanada Puntland.

Warmurtiyeedkaan ayaa waxa lagu sheegey in masiirka siyasadeed ee Puntland iyo nidamakeeda dowliga ah u afduuban yahay siyaasiyiinta beesha Majeerteen waa sida ay hadalka u dhigeen iyaga oo sheegey in beelaha kale ee daga deegaanada maamul goboleedkaan dulman yihiin.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegey in beesha kulan balaaran isugu imaaneyso bisha September 18 magalaada Galkacayo kaasoo ay kaga tashan doonaan masiirkooda siyaasadeed.

Bilowga dalabka kordhinta xildhibaanada Puntland oo beeshu markii hore kasoo heshey ogolaansho Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo dhamaadey fashil kadib markii 59 xildhibaan ee ka tirsan Barlamanka Puntland diideen kuwaasoo sheegey inuu ka horimaanayo Dastuurka Puntland qodobkiisa 60aad.

Madaxweynaha Puntland iyo qaar kale oo ka tirsan Issimada ayaa mar kale beesha Tanade ka aqbaley in shirweyne loogu qabto magalaada Garowe kasoo ku soo dhamaadey in qoraal u qoraan Barlamanka kaga codsanayaan in beesha Tanade golaha loogu daro 4 xubnood.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here