Home Wararka Maanta Baarlamaanka Hirshabeelle oo Xilka ka Xayuubiyay Madaxweyne Cosoble

Baarlamaanka Hirshabeelle oo Xilka ka Xayuubiyay Madaxweyne Cosoble

129
0
SHARE

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in goor dhow ay cod u qaadeen xildhibaanada baarlamanka Hirshabeelle inay kalsoonidii kala laabteen Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble.

Cod ay u qaadeen xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle Madaxweynaha Hirshabeele ayaa la sheegay in 68 xildhibaan ay u codeeyeen halka ay afar xildhibaan ka soo horjeesteen.

Ma jirin wax weriye ah oo soo xaadiray xiligii kalsoonida lagala laabtay Cali Cabdulaahi Cosoble hase yeeshee qaar kamid ah xildhibaanada Hirshabeelle ayaa u xaqiijiyay jowhar.com in kalsoonida lagala laabtay Madaxweyne Cosoble.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaana Hirshabeelle Marwo Canab Axmed Ciise oo guddoomisay shirkan ayaa ku dhowaaqday in kalsoonida lagala laabtay Madaxweyne Cosoble.

Arrimaha Sababay in Kalsoonida lagala laabto Cali Cabdulahi Cosoble.

Cali Cabdulaahi Cosoble oo ay xilka ka qaadeen xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa labadii bilood ee ugu dambeysay ka maqnaa xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar, hase yeeshee sababaha loo aaneynayo inuu xilkiisa ku waayay ayaa waxaa kamid ah magacaabis uu ku dhowaaqay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo uu ku sheegay inay yihiin degmooyin.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Marwo Canab Axmed Ciise ayaa ka mid ahayd xildhibaanada ka soo horjeeday qaabka uu u magacaabay degmooyinka iyadoo ka soo jeeda deegaanka Jawiil oo ka mid ah deegaanada aan la magacaabin.

Cali Cabdulaahi Cosoble oo xilka laga qaaday ayaa waxaa dadka siyaasada gobolka u dhuun daloola sheegeen in uu ka biyo diidsanaa in uu ku shaqeeyo magaalada Jowhar oo hore loogu heshiiyay in ay tahay xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Qaar kamid ah golihiisa wasiirada ayaa u arkay in uu u xaglinayo wasiirada qaarkood kuwa kalana uusan wax tixgelin ah siin. Intii uu shaqeynayay ayaa waxaa si xoog leh u shaqeynayaya wasiirada arrimaha gudaha iyo Maaliyada oo kaliya marka loo eego wasaaradaha kale oo gaaraya illaa iyo 23 wasiir.

Xiriirka kala dhaxeeyay Madaxweyne Cosoble dowlada federalka ayaan ahayn mid wanaagsan iyadoo aysan jirin wasiir ka tirsan xukuumada Xasan Cali Kheyre oo Jowhar habeen kaliya ku hoyday, iyadoo dowlad goboledka Hirshabeelle ay ka soo jeedaan marka la fiiriyo wasiiro muhiim ah ee dowlada federalka sida Wasiirada Amniga,Warfaafinta, Caafimaadka,waxbarashada, boostada iyo isgaarsiinta,dhalinyarada iyo isboortiga iyo qaar kale.

Si kasta ha  ahaatee waxaa ay u muuqataa dib u dhac hor leh uu ku yimid dowlad goboleedka Hirshabeelle maadaama mudadii ay dhisneyd aysan wax horumar ah oo la taaban karo uusan maamulku gaarin waxaana adkaan doonto sida la rumeysan yahay sidii dib loogu dooran lahaa Madaxweyne cusub.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here