Home Wararka Maanta SAWIRRO:-KOOXDA KUBADDA CAGTA EE ATLANTA OO 10 JIRSATAY!

SAWIRRO:-KOOXDA KUBADDA CAGTA EE ATLANTA OO 10 JIRSATAY!

392
0
SHARE

Waxaa Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka lagu qabtay xaflad loogu dabaaldegaayey Toban guuradii ka soo
wareegatay aasaaskii Kooxda Kubadda Cagta ee Jubba ee ka dhisan Magaaladda Atlanta,kooxdaasoo soo martay
marxalado kala duwan oo marba gaareysay horumar la taaban karo oo runtii farxad gelisay Jaaliyadda Atlanta  oo
saadaalin wanagsan ka bixisay in mustaqbalka dhaw ay noqon doonaan kuwa daafaco heybadda Isboorti oo ay
Atlanta leedahay isla markaana qaarkood u gudbi doona Xulaka Qaranka Soomaaliyeed.
Ugu horeyntii waxa xafladaasi warbixin meelo kala duwan taabaneyso ka soo jeediyey Xoghayaha Guddiga
Isboortiga Atlanta ahna Tababaraha Kooxaha Jubba Mudane Cabdulqaadir Xasan Cadde(Caydiid Jeenyo) isagoo ka
sheekeeyey marxaladihii kala duwana ee ay soo martay Kooxda Jubba isagoo cadeeyey in ay markiisii horeba uu
diiradda saaray sidii uu u kobcin lahaa farsamadda aasaasiga ah ee Kubadda Cagta  taa oo la'aanteed aan
dhalinyaradda aysan gaari karin halka ugu sareyso,waxaan xooga isugu geynay ayuu yiri Caydiid xukumidda
Kubadda,isu dhiib dhiibka gaagaaban,habka ugu wanagsan ee loo madaxeeyo Kubadda,aragtida Garoonka iyadoo
Kubadda la wato iyo sida ugu haboon oo daafaca loo galo iyado hujuumka iyo difaacaba ay is kaashanaayaan,
waxaana uu cadeeyey in arrimahaas oo dhan uu iga saaciday saaxiibkey Tababare Cabdi Qani oo runtii aqoon
badan u leh habka Tababarida jiilalka soo koraayo.,waxayna Tababarayaasha Caydiid iyo Cabdi qani mahad u
jeediyeen waalidiinta oo runtii dadaal muujiyey.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Mudane Naasir Warsame oo ah Madaxa Xawaaladda AMAL ee waqooyiga
Amerika,waxaana uu si qiiro leh u sheegay in Siyaasadda Guud ee xawaaladda AMAL EXPRESS ay ugu horeyso in
la garab istaago horumarinta dhadhaqaaqyadda lagu hormarinaayo dhalinta soo koreyso oo uu ugu horeeyo
Isboortiga oo runtii ka ciyaari kara door aad u muhim ah taa oo uu ugu horeeyo in jiilalka soo koraayo ka weeciyo
waxyaabaha mustaqbalkooda wax yeeli kara,waxa kaloo Mudane Naasir sheegay in ay waajib tahay in dib loogu
celiyo bulshadda wax alla waxii Amal ay awoodo si ay wada shaqeynta Bulshada  iyo Amal ay noqoto mid weligeed
jirta.
Gudoomiyaha Jaaliyadda Somali-American Mudane Inj. Cumar Sheekhey oo isna xafladaasi ka hadlay,ayaa waxa uu
tilmaamay shaqadda xurmadda leh ay qabteen Tababarayaasha Caydiid Jeenyo iyo Cabdi Qani,taa oo runtii ah mid
lagu farxo isla markaana taabeneysa qof kastoo ka mid ah Jaaliyadda reer Atlanta,waxaana uu Tababarayaasha uu
ku booriyey in la laba jibaaro Tababarida jiilalka soo koraayo,waxaana uu ballan qaaday in Guddiga Jaaliyadda uu u
huri doono wax alla waxii karaankiisa ah,waxa ugu dambeyntii u rajeeyey Guddiga Isboortiga iyo tababarayaashaba
Guul.
Waxaana xafladaasi goob joog ka ahaa Dr. Cali CUsmaan Cali Gudoomiyaha Isboortiga ee Atlanta,Jaamac
Cali(Jaamacey) oo ah Madaxa Farsamadda ee Guddiga Isboortiga ee Atlanta,Maxamed Moa oo ka mid ah Guddiga
Farsamadda ee Atlanta,Mudane Cabdikariim,Inj. Cabdulaahi ,Mukhtaar Gaawarow ,waalidiinta Caruurta iyo qaar
badan ee Jaaliyadda Atlanta ka socday,waxayna xafladii ku dhamaatay GUUL.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here