Home Wararka Maanta Maqaal:-Salafiyiinteenna Oo Ka Dheereeyay Shiyuukhdii Wax Soo Bartay!!!

Maqaal:-Salafiyiinteenna Oo Ka Dheereeyay Shiyuukhdii Wax Soo Bartay!!!

495
0
SHARE

Salafiyiinteenna oo ka dheereeyay Shiyuukhdii wax soo bartay!!!

qore:

Hashi Y. Osman

Qaybta koowaad

“Sidee dhallinyaradeena qurbaha ku nooli ay ula jaanqaadaan facooda oo ay wax u bartaan, iyagoon ka tegin oo ku dheggan muslinnimadooda iyo Soomaalinimadooda???”

Hordhac:
Dhallinyarada waxaa isugu darmay oo saamayn ku yeeshay waalidiintooda, wadaaddadooda salafiyiinta ah iyo bulshooyinka ay ku dhex nool yihiin.
Waxaa ku dhacay amaba haysta mushkilo la xiriirta haybtooda(conflict of identity). Waxay arkaan inaysan ku noolayn dalkoodii… yacni dalkii waalidiintooda. Waxay dareensan yihiin inay ka arradan yihiin dhaqanka, hiddaha, afka, taariikhda iyo suugaanta soomaaliyeed. Dhinaca kalena, waxay goor iyo ayaanba arkayaan cunsuriyadda bulshooyinka reer Yurub ku hayaan (i.e. ajnebinimadooda, muslinimadooda iyo midabkooda madow). Si kastay ugu dhasheen dalalkaas amaba ay u haystaan dhalashadooda (i.e. citizenship), haddana way dareensan yihiin ama waa la dareensiiyaa inay dalalkaas ku dhasheen, laakiin aysan u dhalan.
************************************
Waa mare, waxaa dhallinyarada soomaaliyeed dhaawaca ugu horreeya gaarsiiyay aqoondarrada iyo tala xumada waalidiinta soomaaaliyeed oo aan runtii xil iska saarin, inay carruurtooda baraan afkooda hooyo. Dugsiyada iyo goobaha waxbarasho oo idil, waxaa waalidiinta ajnebiga ah loogu sheegaa muhimada uu afka hooyo u leeyahay waxbarashada ilmaha.

Waa marka labaade, waxaa dhallinyarada dhaawaca labaad soo gaarsiiyay salafiyiinta soomaaliyeed ee dugsiyada quraanka iyo masaajidyada. Kuwaasoo badankood aaminsan in Cilmigu yahay kan Diinta keliya. Waxaana ka dhashay in dhallinyaro fara badan oo dalalka Yurub ku nooli ay joojiyaan ama aysan ku dhaqaaqin barashada xirfadaha iyo meheradaha. Sababna waxay ka dhigtaan “Diintaannu xoojinaynaa ama fidinaynaa”. Qaar badanina waxay iska diiwaangeliyeen amaba ku hamminayaan inay galaan Jamacadda Madiina al Munawara, si ay noqdaan Dacwad-fidiyeyaal.
Mas’alada la xiriirta arrintaan “iska daynta culuum al dunyaa” (ترك علوم الدنيا لتعلم علوم الدين), wax badan bay culimadu ka hadleen oo ka qoreen. Culimadu waxay isku raacsan yihiin, in dhallinyarada muslimiinta ah ee ku nool tus. ahaan Yurub, lugu dhiirigeliyo luguna caawiyo inay xirfado iyo aqoon sare yeeshaan, si muslimiintu u gaaraan heer ay uga kaaftoomaan aqoon yahannada iyo xirfad layaasha (lab & dhedig) diimaha kale haysta.

Waa marka saddexaade, salafiyiintu waxay dhallinyarada iyo weliba rag badan ku qanciyeen, habkii ay uga badbaadi lahaayeen oo aysan ugu hoggaansamin sharciyada, amarrada iyo CANSHUURAHA daaquudka ( طاغوت ) ka taliya dalalka ay ku dhex nool yihiin. Waxaana dhallinyarada ku abuurmay xaalad ku salaysan “Gaal iska dhicin”.
Halkaasna waxaa ka abuurmay xirfado iyo shaqooyin loo arko inay xalaal yihiin, loogana badbaadayo daaquutyada.
Shaqooyinkaas /Xirfadahaas waxaa ka mid ah:
– Taksiile (taxi driver)
– Tijaarada (business)
– Shaqooyinka nadiifinta – cleaning jobs
– Beero ka shaqaynta IWM.

Ugu dambaystii, hadafka aan arrintaan sida kooban ugu iftiimiyay, maahan dacwad, dhaleecayn iwm. Wixii dhacay waa dhaceen. Waxaa muhiim ah inaynu si wadajir ah uga fakarno furdaaminta xaalka dhallinyarada qurbaha ku nool.
Su’aasha na wada hortaal waa:
“Sidee dhallinyaradeena qurbaha ku nooli ay ula jaanqaadaan facooda oo ay wax u bartaan, iyagoon ka tegin oo ku dheggan muslinnimadooda iyo Soomaalinimadooda???”
********
Haddii ka jawaabidda su’aashaani ay adag tahay amaba aysan suurtagal ahayn, waxaan salafiyiinta ka codsanayaa inay “ NOO FATWOODAAN” si aynu qurbaha (i.e. bilaadul kufri) uga haajirno oo aynu dalkeenii hooyo ugu wada noqonno…. Eebbe idankiis

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here