Home Wararka Maanta Dabkii Xalay Saq-dhexe Qabsaday Suuqa Bakaaraha Oo Lagu Guuleeystay In La Bakhtiiyo

Dabkii Xalay Saq-dhexe Qabsaday Suuqa Bakaaraha Oo Lagu Guuleeystay In La Bakhtiiyo

224
0
SHARE

Waxaa Xalay abaaro 12-kii Habeenimo iyo qadar daqiiqado ah dab xoogan uu ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan goob lagu iibiyo Kabaha oo ku dhaw Suuqa Sarifka ama Dabaqa Cali Dheere.

Dabka oo si xowli ah ku bilowday ayaa baabi’yay goobo ganacsi iyo dhismaaal qaarkood dhawaan la dhisa oo kuyaala halka uu dabku ka kacay, waxa uuna dabku kusii fiday dhismayaal oo aad ugu dhaw Suuqa Sarifka.

Gaadiidka Dab damiska Shirkada Hurmuud iyo kan maamulka Gobolka Banaadir oo soo gaaray Bakaaraha ayey ku qaadatay in ka badan labo saac in ay dabka damiyaan, waxaana ugu dambeyn gaadiidka dab damiska ku guuleesteen in ay damiyaan dabkii xoogan.

Dabka markii uu Suuqa qabsaday oo aheed xili inta badan dadku hurdeen ayaa waxaa bilowday qeylo dhaan in ay isku diraan ganacsatada Suuqa Bakaaraha, waxaana suuqa si deg deg ah usoo gaara inta badan ganacsatada Suuqa si ay u bad baadsadaan hantidooda.

Wali lama soo sheegin khasaaro nafeed oo ka dhashay dabka xalay qabsaday Suuqa Bakaaraha, waxaana dabkan uu ilaa hada inta la ogyahay sababay khasaaro maaliyeed oon wali si rasmi ah loo ogeyn inta ay la egtahay,

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here