Home Wararka Maanta Yaa Maanta Ku Guuleystay Xilka Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Aqal ee Baarlamaanka??

Yaa Maanta Ku Guuleystay Xilka Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Aqal ee Baarlamaanka??

928
0
SHARE

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu Cabdi Qeybdiid kaga adkaaday ninkii xilkan kula tartamayay ee C/raxmaan Faroole codod dhan 6-4.

Guddiga labada Aqal ee Dastuurka ayaa ka kooban 10 xubnood oo min shan xubnood uga socda Golaha shacabka iyo Golaha Aqalka Sare.

C/raxmaan Faroole ayaa olole weyn ugu jiray qabashada xilkan, waxaana dadka qaar u saadaalinayay inuu ku guuleysanayo, balse si lama filaan ayaa looga adkaaday.

Doorashada Guddoomiyaha Guddigan ayaa ah mid muhiim ah, marka loo eego Guddiyada kale ee dowladda.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here