Home Wararka Maanta Madaxwaynaha Dawladda Puntland Oo Khudbad Dheer Ka Jeediyey Xafladii Xalay Ee 1-da...

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Oo Khudbad Dheer Ka Jeediyey Xafladii Xalay Ee 1-da August

301
0
SHARE

Madaxwaynaha Dawladda Puntland ayaa khudbad dheer ka jeediyey xafladii 1da August ee 19 guuradii ka soo wareegtey aasaaskii Puntland oo caawa 01/08/2017 lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxwaynaha Dawladda ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen hadafkii laga lahaa dhismaha Dawlad Puntland yeelato, marxaladii kala duwanaa ee ay soo martay iyo higsiga fog ee Puntland.

Madaxwayne Gaas oo ka hadlayey wakhtiyadii kala duwanaa ee Puntland soo martay Wuxuu yiri “Puntland aasaasayaal bay leedahay qiimo gaar ah bay noo leeyihiin Allaah ha u naxariisto intii dhimatay inta nool na wanaag Baan u rajaynayaa. Wuxuu ku daray, Puntland in ay sidaan Maanta ay tahay u qurux badnaato waxaa dhiigooda u horay geesiyaal reer Puntland ah”

Madaxwaynaha Dawladda Puntland ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay ilaalinta Midnimada Soomaaliya Wuxuuna yiri” Puntland waa furaha Midnimada Soomaaliya oo waxay isku haysaa koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

Ugu dambayntii, Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr cabdiweli Moxamed Cali Gaas ayaa hambalyo u diray dhamaan shacabka reer Puntland Meel kasta oo ay joogtaan Wuxuuna ugu baaqay in ay nabadgelyada Dalka qaybtooda qaataan oo laamaha amniga Dawladda la shaqeeyaan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here