Maxkmadda sare ee Ciidamada Qalabka sida dowlada Soomaaliya ayaa mar kale xukun dil ah ku riday askarigii ka dambeeyay dilkii Muqdisho loogu geestay Wasiirkii Howlaha guud iyo dib u dhiska Cabaas Siraaji Sheekh Isxaaq.
Maxkamada sare ayaa ugu dambeyn xukun dil ah ku riday Dable Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) kadib markii uu racfaan ka qaatay xukun dil ah oo horey ugu riday Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida.
Qareenadii difaacayay askarigan ka dambeeyay dilkii Wasiir Cabaas Sheekh Siraaji ayaa ku guul dareestay racfaankii ay ka qaateen Xukunkii horey, waxa uuna xukunkan uu yahay mid kama dambeys ah oo mar kale racfaan laga qaadan karin.
Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa la filayaa in Xumunka dilka ah ku fuliso askarigan kamid ahaa ilaaladii Hanti Dhowraha Qaranka , waxaana askarigan ku cadaatay in uu dilay Wasiirkii ugu da’da yaraa Xukuumada Soomaaliya