Home Wararka Maanta (Sawirro)-Madaxweynaha Puntland oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Maaliyadda...

(Sawirro)-Madaxweynaha Puntland oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

219
0
SHARE

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 26 July 2017 xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyada Dawladda Puntland oo laga hirgeliyey dhismaheeda magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Xafladda Xadhig Jarka Wasaaradda ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey, Guddomiyaha golaha Wakiiladda Dawladda Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna Xildhibaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Dr. Cabdirahmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Shiikh Axmed, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Isimo, Aqoon yahano, iyo qaar kamida bulshada rayid ka ah ee magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn tilaamay in uu aad ugu faraxsan yahay furitaanka iyo kasoo qayb galka xafladda dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyada Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu amaan iyo bogaadin usoo jeediyey cidwalba oo ka  qayb qaadatay hirgelinta dhismahani oo ay ugu horeyaan madaxda Wasaaraddu iyo farsama yaqaankii dhisay dhismahani ( Engineer ).

” Waxaan raba inaan amaan iyo bogaadhin usoo jeediyo Wasaaradda Maaliyadda dhammaanteed, ku bogaadiyo dhismahan cusub iyo hogaamiyaha wanaagsan ee mashruucani hogaaminayey Wasiir Cabdulaahi Shiikh Axmed, runtii qofku wakhti yar ayuu joogayaa shaqaduna waa meerto.” ayuu yiri Madaxweynuhu

Sidoo kale Maxweynaha ayaa cadeeyey in dhismaha Wasaaradda Maaliyadda lagu hirgeliyey si isku tashiya, kaasi oo hore uga go’ay  Puntland in ay wax ku qabsato isku tashi dhanwalba leh, Madaxweynaha ayaa sheegay in shaqaalaha Wasaaraddu ku hirgeliyeen dhismahani 1.5% oo ay ka beekhaamiyeen gunnadooda.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here