Home Wararka Maanta Madaxii Dhaqaalaha iyo Saadka Al-Shabaab Ugu Qaabilsanaa Gobolka Mudug Cabdirasaq Xuseen Tahliil...

Madaxii Dhaqaalaha iyo Saadka Al-Shabaab Ugu Qaabilsanaa Gobolka Mudug Cabdirasaq Xuseen Tahliil (Calool Geel)

362
0
SHARE

Puntland oo mar Labaad soo xirtay Ganacsadihii Reer Galmudug ee Hada ka Hor Dilka Toogashada ay ku Xukuntay Maxkamada Sare ee Puntland.
Madaxii Dhaqaalaha iyo saadka Al-Shabaab u qaabilsanaa.Cabdirasaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayaa lagu qabtay hawlgal ay Xaafada Baraxley ay ka sameeyeen Ciidamada Puntland ee PSF
Cabdirasaq Xuseen Tahliil oo u Dhashay Beesha Habar Gidir, waxaa la Qabtay Hada ka hor isaga oo wada Boorso ay ku jiraan Walxaha Qarxa Taariikhdu markay Ahayd 17/11/2012 waxaana lagu qabtey Magaalada Gaalkacyo Xilgaas Dr. Faroole ayaa ahaa Madaxwaynaha Puntland
4 Bilood kadib qabashadiisa Maxkamadda Ciidamada Puntland waxay ku xakuntay Dil Toogasho ah wuxuu qirtey inuu yahay Al-Shabaab.
Laakiin Madaxwayne Gaas ayaa Xabsiga Puntland kasii daayay Dhamaadkii sanadkii 2014-kii, kadib markii labo Muwaadiniin oo Reer Puntland ah Af-duub loogu qabsaday Koonfurta Gaalkacyo taas oo keentay in qaab Nabad ah la isku dhaafsaday Cabdirasaq Tahliil iyo Dadkii shacabka ahaa ee Galmudug Haysatay.
Galmudug ayaa Hada sheegtay Cabdirasaaq Tahliil inuu Yahay Ganacsade Ka soo jeeda Deeganadooda Waxayna Codsatay in Dawlada Puntland ay si Nabad ah Xoryadiisa dib u siiso Cabdirasaq Tahliil.
Ma is leedaay Mar labaad Puntland way sii Daynaysaa Nin hada ka Hor la Qabtay Asagoo wata Qarax Afkiisana ka Qirtay inuu yahay Al-Shabaab

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here