Home Wararka Maanta Wax Ka Baro Taariikhda Dagmada Eyl Ee Gobolka Nugaal

Wax Ka Baro Taariikhda Dagmada Eyl Ee Gobolka Nugaal

450
0
SHARE

Qore : Muxamed Cabdullahi Maxamud

Waxaa labadan beri akhrinayay taariihkda Eyl oo ah magaalo facwayn qormooyin koo kooban oo laga soo qoray, oo runtii aan aad ugu diirsaday, laakiin arinka aan rabo in aan wax ku darsado waxa weeyaan qayb kamid ah taariikhdaas oo la xiriirta Awoowe Axmed Saalax oo ahaa Injineerkii Sayidka u dhisay qalcadda Daawad.

Qayb ka mid ah qormadaas qoraagu waxa uu soo xiganayay Abti C/lqaadir Saalim oo ku darsaday xogtiisa la xiriirta sidii Injineer Axmed Saalax uu ku yimid Soomaaliya iyo sheekada la xiriirta gacan goyn Sayidku ku sameeyay oo ah taariikh baahday oo xittaa qoraal gashay caalamka.

1992 oo ah muddo haatan laga joogo 25 sano ayaa waxaa magaalada Eyl oo aan markaas ku sugnaa booqasho ku yimid wafdi ajaanib ah oo uu hogaaminayay General Maxamed Abshir Muuse, ahaana xilligaas gudoomiyihii SSDF-ta ee ka talinaysay gobolada Waqooyi Bari ee Soomaaliya. Waftigaas waxaa qayb ka ahaa nin u dhashay Ingiriiska, ahaana markaas safiirka EEC u fadhiyay Nairobi, isaga oo markaas aan wada saarnayn sarta Daawad dusheeda si uu u daawado ayaan ku kulanay goobtaas. Sheekadii markaas na dhex martay ayaa waxa ay ahayd isagoo wata hadalka” Sartan ninka dhisay sida aan ka akhriyay buug taariikheed ka hadlaaya Dagaaladii Sayidka iyo Ingiriiska dhex maray oo markaas oolaa Library London yaala waxaa gacanta gooyay Sayidka” ayuu igu yiri , Markaas ayaan ugu jawaabay ninkan Ingineer Axmed Saalax waxa uu ahaa awoowahay Hooyo, waxaana sooyaalka sheeko ee qoyska ku hayaa in aysan arintaasi jirin, ayna tahay dacaayad Ingiriisku faafiyay.
Dulucda sheekada waxaan uga gol leeyayhay, markaas ayaan bilaabay anigu in aan baaro bal xogta ku saabsan waxa taariihkda galay ee ah gacan goynta Injineer Axmed Saalax iyo sheekada Aalu Saalim ay ka ogyihiin.
Waxaan xog ka raadshay Abtiyaal khaas ahaan kuwii ugu dhowaa agfadhiga awoowe Saalim oo ah cidda kali ah ee sida rasmiga ah u caddayn karta iyo shakhsiyaad kale oo uu ka mid ahaa Aadan cowl nin la oranjiray oo markaas noolaa, lana soo waqtiyaystay Saalim xittaa arkay sida uu ii sheegay Saalim aabihiis, labadooda Aabana ay saaxiib ahaayeen maadaama Aadan cowl aabihii ahaa raggii farsamaqaanada ahaa ee wax ka dhisay sarta Daawad.
” Sida dhabta ah ee Saalim iyo Aabihiis ku yimaadeen Eyl waa warar iskhilaafsan oo qoloba sida ay markaas ku maqashay kuugu sheegin, laakiin Abti Clwaaxid oo markaas inta badan xogta rasmiga aan ka ururshay, aadna ugu ag dhawaa awoowe Saalim, wax badana ka maqlay taariihkda Sayidka oo awoowe ka sheekaynayo ayaan u tiirinayaa qoraalkii markaas aan ka ururshay taariihkdii awoowe Saalim, inakstoo aan ka xumahay buugii gacan qoraalka ahaa ee xilligaas aan ku ururshay qoraalka sanduukhii aan ku riday muddo ka bacdi iyo bisayl taariikheed ka bacdi aysan ii suurtoobin in aan ka aan helo markii aan ku laabtay Eyl”.
Sida laga soo xigtay Awoowe Saalim waxaa xoog badan sheekada ah in si khaldan doontii ay saarnaayeen Axmed Saalax iyo Raggii markaas la socday ugu soo xiratay marsada Ilig-dal-dale ama Badey mid kood markii ay ka xumaatay waayo ujeedka safarkoodu waxa uu ahaa markaas Sinsibaar sida la soo wariyay.
Iswaraysi iyo munaaqasho ka bacdi, Sayid Maxaed C/dulle Xassan oo xilligaas ay ahayd xaruntiisu Daawad sida lagu wariyo taarikhda 1899-1900 waa uu soo dhaweeyay raggaas, waxaana la sheegaa in ay ka koobnaayeen 9 nin oo u badnaa Fuundiyaal iyo Najaariin kuwaas oo u soo xoogsi tagay geeska Afrika oo markaas hijrada Carabtu aad ugu badnayd.
Waxayna ku heshiiyeen in ay u dhisaan qalcad ciidan muddo 3 sano gudahood ah, wixii dhaqaalo u baahanyihiina uu isagu siinayo.
Waa halkan haddaba qodobka gacan goynta iyo sheekadiisa faaftay meesha ay ka bilaamatay.
Awoowe Saalim oo markaas ahaa wiil kuray ah oo da’diisa lagu qiyaasay 13 sano sida awoowe qudhiisa laga soo wariyay ayaa sheegay : ” Waxaan xasuustaa markii shaqadii sarta Daawad oo aan aniga qudhaydu u ahaa Aabe Axmed caawiye wax u keen keena, mar marna uu i tuso dhismaha qaabkiisa ku soo dhawaatay in ay soo idlaato, ayaa waxa uu Aabe bilaabay oo markaas ragga sagaalka nin afhayeen iyo oday u ahaa in uu Sayidka kala hadlo sidii uu u anba bixin lahaa maadaama shaqadii ay qabteen, ehelkoodiina ay muddo kala maqan yihiin, rabaana in ay ku laabtaan waddankoodii. Arinkaas Sayidku waa ka war wareegay isaga oo sida la sheegay rabay in ay u dhisaan qalcado kale.
Si kastaba ha ahaatee, Saalim waxa uu sheegay in markastaa uu la taagnaa marka Odayga Axmed iyo Sayidku wada hadlayeen, hadalkuna uu meel kulul ka gaarayay, Sayidkuna uu aad u yaqaanay Af-carbeedka, ahaana nin aan lagu afcelin oo kaligiis talis ahaa, waxaana ku shaacday xarunta dhexdeeda in Ninkii watay Yemeniyiinta uu ka caraysiiyay Sayidka.
Intaas ka bacdi waxaan xasuustaa ayuu yiri Saalim in Aabe Axmed xanuunsaday, xanuunkiisuna uusan waqti dheer qaadan, aanan aragna mudadii uu xanuunsanaa wax raad gacan goyn ah iyo wax kale oo la xiriirta balse Sayidku uu si hagaagsan ula dhaqmi jiray nimankan Yemeniyiinta ahaa mudadii ay howsha dhismaha qalcadda wadeen.
Waxyaalihii kale oo aan aadka u xasuusto waxaa ka mid ahaa ayuu yiri Saalim ” Waxa uu Aabe u yeeray markii xanuunkii ku soo adkaaday dareemayna in uusan ka kacayn nin raggii Yamaniyiinta sagaalka ahaa mid kamid ah, wuxuuna ku yiri wiilkaas adaan kugu ogahay, dadkii gaarsii haddaan kaa ajal horeeyo.
Si kastaba, Odaygii Injineer Axmed Saalax waa xijaabtay, waxaana lagu aasay Daawad khaas ahaan qabuuraha ku yaala dhanka wadada Xasbahale Eyl ka soo gasho, Aadan Cowl Allaha u naxariistee waxa uu igu yiri waxaa ka mid ahaa dadkii aasay Ingineer Axmed Aabahay oo ay aad iskugu dhawayeen , anna waan xasuustaa ayuu igu yiri.
Waxaa kaloo kuu caddayn in sheekada gacan goynta ay ahayd sida aan aaminsanahay taariikhduna caddayn taariikh uu Ingiriisku sameeyay si uu ugu cabsi gasho dad kale oo u yimaada Sayidka oo qalcado u dhisa, waa uu qoraal galiyay arinkaas Ingiriisku. Sidoo kale, Sayidku markii danbe raggii haray ma xabbisan ee waa uu wada fasaxay, wuxuuna u ogolaaday in ay aadaan meeshii ay rabaan, iyo in uu Saalim kafaalo qaaday noloshiisii uuna ka dhigtay wiil aad ugu dhow, kuna nool guryihiisa.
Waxyalihii aan ka qoray Abti C/waaxid, awoowana uu ka soo wariyay waxaa ka mid ahaa, isla ayaamahaas Sayidku waxa uu u raray xaruntiisii Galin Gaale oo Eyl kaga beegan dhanka qorax u dhaca markii danbana ay ka dhacday sheekadii Canjeel talawa ee Sayidka lagu inqilaabi lahaa, rag badana lagu laayay ka bacdi.
Saalim waxaa laga soo xigtay, Galabtaas laga caraabay Eyl oo xarunta Galin gaale loo raray, Sayidku waxa uu ii asteeyay nin khaas ah oo faras wata oo igu qaaday faraskiisii.
Sidoo kale illaa aan ka qaangaaray waxaan ku noolaa xaafadda Sayidka, waxaana aan ka wada sheekaysan jirnay sidii aan u sii anba qaadi lahaa farsamadii Aabe ee dhismaha Qalcadaha tiiyoo markii danbe Saalim uu dhisay qalcadihii Taleex iyo Gabbac.
Sidoo kale si uusan Saalim uga fogaan Sayidka waxa uu sheegay markii aan gaaray 16 sano Sayidku waxa uu igu daray gabar aan guursado oo ka soo jeeda Qoyska Ogaadeen ee Sayidka ciddiisa ah, taas oo muujin qorshaha fog ee Sayidku ka laahaa dhismayaasha iyo farsamada Axmed Salax ka tagey.
Saalim waxa uu ka og dhawaa Sayidka ama la joogay illaa xaruntii Sayidka ee Taleex diyaaraduhu ku weerareen Ingiriisku 1921, xilligaas sida aan taariikhda ku hayo kala cararkii Awoowe Saalim Islaan gabar u haysay ayaa la gashay xaggaas iyo Itoobiya illaa haddana aan war iyo wacaal laga hayn .
Saalim kala cararkii waxa uu dib ugu soo laabtay Gabbac, isagoo raacay rag halkaas u soo cararay, isla safarkaas waxaas ku jirta sheeko kale oo la dhihi jiray Saalim safarkaas waxa uu ku soo rartay biyihiisa wixii kale oo cuno ahaa “Orgi”.
Waa sheeko kale oo u baahan xaqiijin.
SAWIRKa WAA SAALIM AXMED SAALIM BAAJUREYMI,

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here