Home Wararka Maanta R/wasaare kuxigeenka dalka oo daahfuray mashruuca balaarinta dhageysiga Radio Muqdisho

R/wasaare kuxigeenka dalka oo daahfuray mashruuca balaarinta dhageysiga Radio Muqdisho

470
0
SHARE

Muqdisho-Munaasabadan lagu daah furayay mashruuca balaarinta dhageysiga Radio Muqdisho oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta waxaa ka qeybgalay ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya mudane Mahdi Max’ed Guuleed Qadar, Wasiirka warfaafinta  Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, kuxigeenka C/raxmaan iidaan Yoonis, xildhibaano, agaasimaha guud ee wasaaradda C/raxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala agaasimayaasha waaxyaha iyo marti sharf kale.

Dhamaan mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabadaasi ayaa bogaadiyay mashruuca lagu balaarinayo dhageysiga Radio Muqdisho, agaasimaha RadioMuqdisho C/fataax Daahir Jeyet ayaa ugu horeyn faah faahiyay mashruucasi.

“Mashruucani waxaa ujeedkiisu yahay in lagu balaariyo dhageysiga Radio Muqdisho si loogu baahiyo  gobolada dalka, waxaan uga mahadcelinayaa dhamaan dadkii ka qeyb qaatay horumarinta mashruucani waxaana filayaa in waxbadan ka taridoono gudbinta fariimaha wacyigelinta bulshada”ayuu yiri agaasime C/fataax Daahir Jeyte.

Wasiirka Warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha Xukuumadda Soomaaliya mudane Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa ka hadlay ahmiyadda uu mashruucani uu uleeyahay dalka.

“Runtii waa fursad weyen mashruuca balaarinta  dhageysiga Radio Muqdisho, waxaan rajeynaynaa in uu daboolo baahiyo looqabay wacyigelinta bulsho badan oo kunoo,l deegaano fog fog, taasina waxay keeneysaa in dadka laga wacyigeliyo fekradaha qaldan ee kooxaha argigixisada”sidaana waxaa yiri wasiirka warfafainta Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Max’ed Guuleed Qadar oo kahadlay geba gebada munaasabadaasi ayaa sheegey in mashruucani uu yahay mid aad u muhiimsan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here