Home Wararka Maanta Kooxdii Laga Qabtay Duleedka Garoowe Oo Baaritaan Lagu Wado.

Kooxdii Laga Qabtay Duleedka Garoowe Oo Baaritaan Lagu Wado.

227
0
SHARE

Wasiirka amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa faahfaahin ka bixiyey 14 ruux oo looga shakisan yahay inay katirsan yihiin ururka Alshabaab lagana qabtay deegaanka Cuun ee gobolka Nugaal.

Mudane Qarjab ayaa sheegay in dadkaasi ay gacanta kuhayaan laamaha ammaanka Puntland ayna hadda ku wadaan baartitaan la xiriira howshooda, halka ay ka yimaadeen iyo meesha ay ku siijeedeen.

Dhanka kalena taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Gaashaanle dhexe Cabdirashiid Xinjira-dhuuq ayaa sheegay in baaritaanku ilaa uu dhammaado aysan bixin doonin xogo dheeraad ah.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here