Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Oo Ka Dhawaajiyey In Kulmiye Doortay In Ololahiisa Ku...

SAWIRRO:-Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Oo Ka Dhawaajiyey In Kulmiye Doortay In Ololahiisa Ku Saleeyo Qabyaalad, Taageerayaasha Ka Soo Baxayna Uu Bogaadinayo!

231
0
SHARE

Burco, July 9, 2017 () – Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye uu doortay inuu ku ololeeyo siyaasad ku salaysan qabyaalad, isla markaana ay ay ku tiraabaan in Muuse uu yahay Madaxweyne aan dhaarsanayn iyadoon wali cid dooratay aanay jirin.
Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Xaaji Cali waxa uu sidaasi ka sheegay Munaasibad balaadhan oo xalay magaalada Burco xisbiga Waddani uu ugu sameeyey taageerayaal isugu jira macalimiin iyo aqoonyahan iskaga soo baxay xisbiga Kulmiye gaar ahaana ka tirsanaa garabkii Jamaal Cali Xuseen.
Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan bogaadinayaa oon u mahadnaqayaa deegaanka iyo beesha halkan jooga, soo dhawey tii aadka u badnayd ee aanu halkan kala kulanay ee aad nagu soo dhaweyseen, aadbaad ugu mahadsan tihiin. Intaa ka dib waxaan jecelahay runtii halkan ayay ka sharaxeen ragii iga horeeyey oo ay kaga hadleen Waddani iyo wuxuu qaban doono waxa laga hadlay waxyaabo badan oo qaranimadu ka mid tahay, waxaan doonayaa inaan tilmaamo, Waddani oo ay halkan joogaan aqoonyahankii ama macalimiintii lixdan macalin oo aqoonyahan ah oo isa soo cugtay oo usoo diyaargaroobay inay xisbigan Waddani xoojiyaan iyo xubnihii ahaan jiray xisbiga UCID ee ahaa garabkii UCID, haday Haweenka iyo dhalinyaradaba yihiin oo halkan jooga oo madaxdii UCID ah oo waliba runtii aan aad u bogaadinayo inantii halkan ka hadlaysay oo waliba mudo sanad ku dhaw hadaanay ka badnay halkii aanu ku kulanay ay ka sii jeesteen UCID oo ilaa intii u adkaysatay in mustaqbalkeeda si talo leh oo mug leh oo aanay ku degdegin oo ay hubiso maantana ay hubisay oo ay dooratay Waddani iyada iyo team-ka ay wada socdaan aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin.
Intaasi ka dib waxaan jecelahay in aan si dheer u tilmaamo, Kulmiye iyo Waddani oo hadd iyo jeer aad moodo in loolan gaar ahi hada UCID meesha kamaan saarin waa xisbi tartamaya oo qaran laakiin uu loolan gaar ahi uu muuqdo oo qolada Kulmiye ay isku qufuleen Muuse Madaxweyne aan la dhaarin weeyi oo aanu wadnaayoo, macnihii waxa weeyi cod umaba baahnee wuu iska dooran yahay, waar ma saxbaa, miyeynu dooranay (Muuse), anagu se waxaanu nidhi mid dhaarsan oo qaranka u dhaarsan oo gudoomiyihii golaha Wakiilada ah ayaanu wadnaa oo waa la dooranayaa mar labaad, waxaana loo dhaarin doonaa mar labaad Madaxweyne marka uu Cabdiraxmaan ku guulaysto, iska odhan mayno wuu dhaarsan yahoo wuu iska galayaaye nidaamka ayaanu marinaynaa, waanu dhaarsan yahay oo qaranka ayuu u dhaartay oo masuuliyaduu u dhaartay oo waa gudoomiyihii baarlamaanka oo waa la soo tijaabiyey oo kaasi ayaanu wadnaa.
Kulmiye waxa uu ku calaamadsan yahay oo inagu ka been sheegi mayno oo ka been abuuri mayno waa kay sheegteen ee ay yidhaahdeen laba qabiil oo A-ya ayaanu wadanaayoo ka Muuse ka soo jeedo iyo ka anigu (Xirsi) ka soo jeedo, markaan la is-yeelyeelayn kiina laguma daro (Ciise Muuse), oo halkan markay ka hadlayeen oo ay lahaayeen labadaa qolo ka halkan jooga laguma darin, waa marka dadka la doonayo in been loo sheego ayaa la yidhaahdaa laba beel oo A-y ayaan wadaan oo cid kale uma baahna, qaranku ma laba qabiil ayuu ka kooban yahay? Waxaanu leenahay iyagaa doortay Kulmiye inay ololahooda ku saleeyaan qabyaalad, Kulmiye inagu u doori mayno iyagaa doortay, waxaanu leenahay waar waa qalad, qaranimo ayuu anaga Waddani uu ololahayagu ku salaysan yahay, Waddani waa bulshada rajadeedii bulshada oo waxa uu ku salaysan yahay Qaranimo, qabyaaladu waxa aynu ognahay inay tahay aafo mushkilada oo cudur ah oo aynu u baahanahay inaynu iska daweyno, in lagu faano oo kaambayn laga dhigto oo durmaan weyn loo qaato ma saxbaa? Saw in la tilmaamo oo la joojiyo maaha? Kulmiye wuu is muujiyey in durmaan dheer uu u qaato oo wuu ku faanayaa qabyaalada.
Bal Aynu tilmaano Foolxumada qabyaaladu leedahay, miyaa halkan Siciid, Muniir iyo xildhibaan Qabile, dadkii tilmaamayey miyey iska tilmaamayeen dadkii tilmaamayey, bal foolxumada iyo in noocaa wax wax lagu doorto oo qabyaalada wax lagu doorto, wax lagu soo dhaweeyo oo waxna lagu diidaa waa takoorka keena in qabiil lagu takooro wuu tiro yar yahay ama waa reer caynkaas ah oo reer hebel ah”.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here