Home Wararka Maanta Goos-Goos ku saabsan Xamaasadda iyo Fudeedka Ummadda Soomaaliyeed soo martay!!

Goos-Goos ku saabsan Xamaasadda iyo Fudeedka Ummadda Soomaaliyeed soo martay!!

447
0
SHARE

1: Gobolada Waqooyi inay la midoobaan gobolada kuufureed 1960 waxay u dhacday qaab fudeed iyo Xamaasad ah oo ku saleysan, taasoo hada laga shaleysan yahay.

2: Dowladii dhalatay xiligaas waxa ay Hogaankeeda reer Koofureedka ahaa ku fududaadeen Awoodihii sare ee Qaranka inay wada qaateen, Xamaasadii jirtay waxaan garan weynay in gef siyaasadeed dhacay.

3: Saraakiishii Ciidanka Militeriga Soomaaliya 1969 waxay ku fududaadeen inay Afgambiyaan Dowladii rayidka ahayd, taasoo shacabka Soomaaliyeed ay Xamaasad ku soo dhaweeyeen,waxa uuna ahaa Gefka Siyaasadeed ee ugu weynaa oo aan ka galnay Qarankeena.

4: Madaxda Dowladdii Kacaanka waxay ku fududaadeen Beeninta Aayadahii Qu’aanka, taasoo shacabka ay ka aamuseen, sidoo kale, Dowladdii kacaanka ayaa Leysay wadaadadii ka soo horjeestay arinkaasi, nasiib daro shacabkii Xamaasad bey ku soo dhaweeyeen, weyna soo buux dhaafiyeen meesha lagu tooganayay shuhadadaas.

5: Jabhado Qabiil ku saleysan ayaa dowladii Kacaanka riday 1991, taasoo Soomaalida inteeda badan Xamaasad ku soo dhaweeyeen, waxaana la galay Dambi dagaal kii ugu xumaa oo Soomaaliya ka dhacay oo dad shacab ah lagu xasuuqay magac qabiil, taasoo Soomaalida inteeda badan ay ka aamustay.

6: Sanadii 1991 waxaa Jabuuti lagu soo dhisay dowlad uu Madaxweyne ka yahay #Cali_Mahdi taasoo marahabaabisay halgankii Jabhadaha xukunka ay ugu tuureen, Madaxda Dowladaas waxay ku fududaatay in la kala diro Ciidamadii Qalabka siday waxay amar ku bixisay in hubka lagu wareejiyo Jabhadihii qabiilka, meesha laga dhihi lahaa ciidamada ha ku xaroodaan xerooyinkooda.

6: : in ku dhow toban sano oo Dagaal Sokeeye ku jirnay ka dib sanadii 2000 baan Xamaasad ku soo dhaweynay dowladii #Abdiqaasim_Salaad, weyna socon weysay ka dib markii madaxda Xukuumadaas ay qaateen Go’aano Fudeed ku saleysan oo ah inaan la dhisin ciidamo qaran.

7: Maxkamado qabiil ku saleysan bey shacabka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyeen 2006 Xamaasad weyn oo noqotay #Farxadii Guuldarada, oo bedeshay Masiirka dalkeena Soomaaliya oo dhan, anagoo aanan iska hubin mashruucaas wuxuu ahaa, xitaa dadkii horboodayay maanta Cadowga Soomaaliya ayay la shaqeeyaan..

8: Dowladii lagu soo doortay Kenya ee #Abdullaahi_Yusuf iyo Cali M Geedi madax ka ahaayeen, waxay ku fududaadeen in Ciidanka Itoobiya ay geeyaan Caasimaddeena iyo Wasaaradda gaashaan dhiga, taasoo Xabashida guul weyn u ahayd Taariikh ahaan, anaguna nagu ahayd #Gunnimo dhinaca Qaranka ah. Taariikhdaas madow qayb naga mid ah baa Xamaasad ku soo dhaweeyay.

9: Xamaasadda ugu yaabka badnayd ee aan soo marnay waxay ahayd in 2009 Kooxdii fudeedka aan ku taageernay ee Maxkamadaha ee Shariifka oo qabtay Hogaanka sare ee dalka, anagoo hadana Xamaasad iyo Fudeed ku soo dhaweynay, mana aanan la xisaabtamin sida ay isku bedeleyn kooxdaasi xitaa Xamaasadda jirtay darteed waxaan aqbalnay Ciidamadii Itoobiya oo kumanaan shacab Soomaaliyeed laayay.

10: Ugu dambeyn sanadii 2012 ayaan Xamaasad ku taageernay Dowladii Xasan Sheekh Maxamuud oo runtii ka duwaneyd kuwii ku meel gaarka maadaamaa Soomaaliya noqotay dowlad aan ku meel gaar ahayn, Madaxda dowladaas waxay ku fududaatay in Dalka ay ka hirgaliso Maamul goboleedyo aan Cadaalad ku saleysnayn oo beelo hub heysta uun loo dhisay, inta kalana la qasbay iyo waliba ayadoo xooga saartay hirgelinta Nidaamka Federaalka oo Soomaalida inteeda badan Raali ka ahayn oo ay ku qanciyeen Qolo gaar ah.

Hadaba, Xamaasaddaas soo jireenka ah laga soo bilaabo 1960 ilaa iyo goormey soconeysaa, mase laga yaabaa in Dowladdan Cusub ee uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo inay raacdo dhabahaasi?

Source:- Hussein Sahnuni

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here