Home Wararka Maanta SAWIRRO:Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Si Weyn Loogu Soo...

SAWIRRO:Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Oodweyne-

318
0
SHARE

Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ahna murashaxa madaxweyne ee xisbigaasi iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Oodwayne ee xarunta gobolka Daad Madheedh.

Murashax Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa ayaa deegaanada gobolka Daad Madheedh u tagay sidii ay dadka ugu dhiiri gelin lahaayeen inay qaataan kaadhka codbixinta doorashada madaxtooyada oo ka socota deegaanadaasi.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa khudbad uu u jeediyey dadweynihii faraha badnaa ee isaga iyo weftigiisa ku soo dhaweeyey magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad Madheedh, waxaa uu uga mahad celiyey soo dhawaynta ay ku qaabileen, waxaanu kula dardaarmay inay qaataan kaadhka codbixinta ee ka soconaya deegaanada gobolka.

Sidoo kale xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumada Kulmiye oo murashax Muuse Biixi ku wehelinayey safarkiisa ayaa dhinacooda dadweynaha ugu baaqay inay qaataan kaadhka codbixinta.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here