Ciidamada Puntland oo maalmihii la dhaafay howlgal balaadhab ka waday buuraleyda Calmadow ayaa la wareegay oo burburiyay Afar saldhig oo ay buurahaas ku lahaayeen kooxda Ururka Al-shabaab.
Howgalkan ay qaadeen Ciidamadda Puntland ayaa waxa ay ayaa ku beegsadeen saldhigyo ay Al-shabaab ku layaaheen qarar ku yaala deegaanada kala ha Madarshoon, Diindigle, Biyo Madow iyo Mariidle oo dhamaan ka tirsan buuraleyda Calmadow.
Ciidamada PSF Puntland ayaa sheegay in ay hawlgalkaas ku dileen ilaa 18 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabab oo ay ku jiraan saraakiil, waxayna ciidamadu sheegaeen inay sii wadi doonaan hawlgalada ka dhanka ah Al -Shabaab.