Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Al-Shabaab oo Imaam Cusub u duubtay Beesha Abgaal

SAWIRRO:-Al-Shabaab oo Imaam Cusub u duubtay Beesha Abgaal

510
0
SHARE

Xaflad ballaaran oo ay Imaam ku duubaneysay Beelweynta Abgaal Cismaan garabka taageersan Kooxda AL-Shabaab  ayaa ka dhacday deegaan hoos yimaad magaalada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe.

inta Badan Ugaasyada,salaadiinta iyo Nabadoonnada beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa kasoo qeyb galay xafladdii ay beesha Abgaal cismaan ku caleema saaranaysay Imaamka Cusub.

Munaasabadan balaaran waxaa sidoo kale isugu yimid Waxgaradka, Nabadoonada iyo Culimada dhamaan Jufooyinka Beelweynta Abgaal kuwaa soo isaga kala yimid gobolada dalka Soomaaliya si ay u duubaan Imaamka Cusub.

Beesha Mudulood garabka taageersan AL-Shabaab ayaa Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud ku caleema Saaray Xafladda kaas oo noqday imaanka Guud ee Beelweynta Abgaal.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here