Home Wararka Maanta SAWIR:-Ganacsigii Magaalada Boosaaso oo maanta xiran !!

SAWIR:-Ganacsigii Magaalada Boosaaso oo maanta xiran !!

223
0
SHARE

Inta badan goobaha Ganasciga Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta xiran ka dib markii ay gadoodeen Ganacsatada magaaladaas.

Ganacsatada ayaa ka cabanaya canshuur dheeri ah oo lagu soo kordhiyay Goobaha Ganacsiga iyo Guryaha  magaalada Boosaaso taasoo ay sheegeen inaysan awoodin.

Xarumihii ganacsiga ee magaalada Boosaaso ayaa xiran, iyadoo ganacsatadu ku hanjabeen ineysan furi doonin illaa laga laabanayo canshuuraha cusub ee lagu soo rogey.

Amar dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa canshuur dheeraad ah lagu soo rogay Goobaha Ganacsiga Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, maamulka Puntlandna kama hadlin gadoodkan ay wadaan ganacsatada diidan canshuuraha dheeriga ah.

Shacabka magaalada Boosaaso ayaa mudooyinkanba ka cabanayey sicir barar xoogan oo ku yimid badeecadaha daruuriga ah sida raashiinka, waxaana laga cabsi qabaa in canshuurahan dheeriga ah ee la soo rogay ay xaalada uga sii daraan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here