Home Wararka Maanta Qorshe Lagu Maja Xaabinrabo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xamar Laga Wado

Qorshe Lagu Maja Xaabinrabo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xamar Laga Wado

346
0
SHARE

Muqdisho:-Maamulka Xarunta loogu jecel yahay Dalxiiska iyo nasiinada magaalada Muqdisho ee Beerta Nabada ayaa isku raacay go’aan ka dhan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi.

Qorshehaan ayaa yimid ka dib markii dhowr jeer Telfoonka ay ku wada hadleen Masuulka ugu sareeya maamulka Beerta Nabada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana kulamadaasi qadka telfoonka ay ku dhamaadeen guul daro iyo isfaham waa.

Intaasi ka dib shir gaara oo ay yeesheen masuuliyiinta ugu sareysa maamulka Beerta Nabada ayay ku go’aamiyeen inay ka guuraan xarunta ay hada degan yihiin oo maamulka Gobolka Banaadir uu muranka ka keenay hadii uu guuleysan waayoo dhowr qorshe oo ay u dajiyaan in lagu xaliyo khilaafkaan.

Thaabit Cabdi ayaa sida la sheegay ku adkeysanaya go’aanka uu gaaray ee ah in Lacag la’aan lagu galo xarunta Beerta Nabada, waxaana jira dhowr codsi oo la hordhigay balse uu ka biyo diiday.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa ku kala aragti duwan go’aanka uu gaaray Maamulka Gobolka Banaadir oo dad qaarkood ay u arkaan in lagu deg degay halka dadka qaarna ay soo dhaweeyeen in lacag la’aan lagu galo Beerta Nabada.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here