Home Wararka Maanta Beerta Nabadda Ee Magaalada Muqdisho Oo Lacag La’aan Laga Dhigay

Beerta Nabadda Ee Magaalada Muqdisho Oo Lacag La’aan Laga Dhigay

283
0
SHARE

Dowlada hoose ee Xamar ayaa Xalay Waxaa ay soo Saartay Amar ah   in si lacag la’aan ah lagu geli karo  Beerta Nabadda oo ah  meel inta badan loo dalxiis tago,Waxaa ayna ka Tirsan tahay Degmada wabari ee Gobalka Banaadir.

Afhaayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fataax Xalane oo la Hadlay KNN ayaa  wuxuu sheegay in Beerta Nabadda ay leedahay Dowladda Hoose, balse ay maalgashadeen Ganacsato Soomaaliyeed, Isagoona sheegay in ay u hayaan tixgelin gaar ah Ganacsatadaasi.

Waxaa uu Tilmaamay in Amarkan uu dhaqan geli Doono Maanta oo Taariikhda ka bilaabanayso 07-07-2017,hayeeshee Baarta Nabada ayaa waxaa Kolkii Hore lagu gali jiray lacag dhan Hal Dollar, Inkastoo Hada lacag la’aan lagu Gali doono,Sida uu Sheegay Afhayeenka Gobalka.

Amarkan ka Soo baxay Maamulka Gobalka Banaadir ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan geli doono,Inkastoo Maamulka Beerta nabada uu Isna ka Soo horjesstay Amarka ka Soo yeeray Dowlada hoose ee Xamar.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here