Home Wararka Maanta Waa Kuma Wasiirka Kaliya Ee Dawladda Federaalka Ka Tirsan ee Haysta Awood...

Waa Kuma Wasiirka Kaliya Ee Dawladda Federaalka Ka Tirsan ee Haysta Awood Matalaad oo Dhamaystiran !!

441
0
SHARE

Mudane Abdi Farah Said Juxa Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisnta ee Dawlada Federalka safarka uu ku gaaray Puntland waa fariin ku socota Somali weyn.

Marka laga yimaado u guur-galka dareenka shacabka iyo xukuumada Puntland danta iyo aragtida ay ka qabaan Xukuumada Federalka uu Abdi (Juxa) xubin muhiim ah ka yahay. Safarka Wasiirka uu goobo badan oo Puntland ka mida ku booqday ayaa ah mid fariin is xisuusin u diraya Somaliweyn in Nadaam Federal wax lagu qaybsaday in laxaq-dhawro ay tahay.

Baaqa Wasiir Juxa dirayo marba markii uu deegaan Puntland ah booqdo, Galkacyo, Garoe, Eyl, Qardho iyo Bosaso ayaa u fasiri karaa sidan:

1-
a) Nidaamka Federalku ma aha maqaar saar aan gunta sii jirin axdigii lagu heshiiyay ha la dhawro
b) Dheefta Federalka iyo awood-qaybsiguusu ma aha mid Xamar kaliya ku kooban waa in ahaadaa mid baahsan
c) Lugooyada iyo dhibta Federalka ma noqon doonto Puntland mid ku gaar ahaata balse Puntland waa mid si hufan u ilaashata waxay Somali kula heshiisay
d) Federalka waa awood qaybsi ku jaango’an deegaan (mamul gobolo xuduudahooda waafaqsan Dastuurka saxda ay saxiixayaashu tasdiiqeen 2012kii) haysta matalaad dhab ah aan ahayn mid magac u yaal ah.

2- Fariinta Wasiir Abdi Juxa diray waxay si toos ah iyana ugu socotaa Dawlada Federalka – Golaha Fulinta (Wasiirka) xukuumada Mudane Farmaajo iyo Kolaha Wakiilada (Xildhibanada) – ku odafeysan Xamar.

Faahfaahin:
Dhamaan xubnahaa labada gole xukuumada ayaa xilka ku haya jaangooyn ku saleysan awoodqaybsi ku qotonta maamul goboleedyo. Taasi macnaheedu yahay masuuliyiinta D. Federalka waxay xilka ku matalaan deegamada ay ka soo jeedaan. U jeedka Nidaam Federal Somalia u qaadatay ayaa ah in la baahiyo awooda iyo maamulka D.F. Somaliyed si looga gudbo khasaare ka yimaada isku dheeli tirnaan la’aan awoodaha Dawlada ka dibna laga dhaxlo dagaale sokeeye ‘1991’.

In badan oo ka mida masuuliyiinta ama kuwa haya xilalka ugu sareeya xukuumada Farmaajo in ay nidaamka D.F. baahiyaan looga fadhiyo haba joogtee, deegaamada laga soo doortay maba aha kuwa gacanta Dawlada Federalka ku jira. Sida Raisalwasare Khayre oo ka soo jeeda degmada Ceel-buur oo hoos tagta Gal-mudug.

Hadii masuuliyiinta xukuumada mudane Farmaajo marka laga reebo Wasiir Abdi Farah Juxa dhanna uga dhaqaaqin Xamar. Waxaa imaaneysa in xukuumada iyo Nidaamka Dawliga ee dalka Somalia u degsan ay is daba marsan yihiin. Hadaan si kale u dhigo Xukuumada Mudane Farmajo waxay ku sii siqaysaa inay raacdo wadadii faashilka ahayd ee xukuumadii Hasan Khiikh – xukuumad maskax Dawlad Dhexe ku dhaqmeysa awood ka marooqsanaysa Dawlad goboleedyadii iyo Dawlad Dastuurkeedu ku dhisan yahay nidaam Federal ah.

Waxa xusid mudan fariimaha wasiir Juxa dirayo halka iyo abaarta ku socdaan, islamarkaasna aan rajeynayo in ay wax weyn ka badalaan waa hab-dhaqanka Wasiirka Arimaha Dibada cashar uu ka faa’ideysto u noqdaan.

Mudane Yusuf Garad sida uu fakaro iyo qaabka uu u shaqeeyo waxay sifa u yihiin nidaam Dawlad awood dhexe leh sida nidaamka Dawlda Turkey ku dhisan tahay oo lidu ku ah awooda baahsan ee Federalku ku shaqeeyo sida Dawlada Briton ku tanaaday.

Waxa Safarka Wasiir Juxa ka filaynaa in uu seetada ka furo xubnaha goleyaasha xukuumada Farmaajo oo masuuliyadoodu Xamar ka bilaabmato Xamarna ku dhmaato, islamrkaasna maamul goboleedyadoodii aan tagin warna u hayn inta badana Alshabab ay uga war roon tahay deegmaada ay matalaan – waa in wax qabadka iyo xisaabtanka xukuumada la baahiyaa.

Sidoo kale safarka Wasiir Juxa ilaa Degmada Eyl uu ku dhashey ku gaaray waa fariin iyo baaq cad ku socda Somaliweyn; in Puntland Somalia nidaamka Siyaasadeed ay kaliya wax kula wadaageyso yahay NIDAAM FEDERAL qura.

Dhanka kale wasiiradii Puntland ka soo jeeday oo Federalka intuu jiray ayaanan marna muujin miisaanka awoodeed uu leeyahay xilka ay ku matalaan reer Puntland inta badan waxay ahaayeen kuwa u muuqday inay xisbiga/urur diimeedka ka mid yihiin matala deegaankana ku awr kacsadey.

Nidaamka Federalka maamul gobaleedyada Somalia ka jira waa qabyo ilaa inta laga helayo Masuul degmadii/gobalkii laga soo doortay caruurteeda beeraha iy xeebaha kula damaashaadaya sida Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dib-u-Heshiisiinta mudane Abdi Farah Juxa.

 

Waxaa qoray:- Othman MJ

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here