Farriinta Wasiirka ayaa ahayd in Bulshadu iska Ilaaliso khatarta Virus-ka “Wanna Cry” oo duulaan xooggan ku soo qaaday qaar ka mid Ah Computers-ka addunka,wadama qayb ka mid Ahna istaajiyay adeegga Information Technology-yada(IT).
Wasiir Ashkir ayaa Hadalkiisa ku sii daray “Waxaa suuragal ah in Virus-kaas u soo gudbo Africa,Soomaaliyana waa Iridda qaaradda Africa”.
Wasiirka ayaa bulshada ku wacyi galiyay in ay update gareeyan Computer-da,iskana ilaaliyaan Farriimaha uga imanaya cid ayan aqoon,kana taxaddaraa n la soo degidda “Software” aysan hubin in uu yahay mid saxan.
Wasiir Ashkir ayaa hadalkiisa ku daray “farriinta aan dirayo waa mid ah: in shacabku feejignaadaan,ma aha khatar lagu arkay ilaa hadda dalka;maadaama weerar lagu qaaday ilaa Boqol waddan,3300 oo Computer-na damiyay,750,000 haya’addoodna ka soo dacwoodeen.
Wasiirka ayaa sheegay: in weerarkaan Cusub la arkay ilaa talaadadii la soo dhaafay,shirkadda “Microsoft” waxay ku tilmaantay weerarkaan khatar ku wajahan dowladaha dunida oo dhan. Weerarkan Virus-ka Computer-da ayaa sheegtay Koox Burcad ah oo la yiraahdo “the Shadow Brockers” oo Burcad la rumaysanyahay in ay ka soo jeedaan dalka Ruushka,waxaana ilaa hadda lagu arkay Sacuudiga iyo Kenya.