Home Wararka Maanta Amiir Maxamed Bin Salmaan sida uu ugu takrifalo Hantida Umadda

Amiir Maxamed Bin Salmaan sida uu ugu takrifalo Hantida Umadda

578
0
SHARE

Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salamaan ayaa Sanadkii 2015 dalxiis kutagay dalka Faransiiska gaar ahaan xeebaha koonfureed ee dalka,wuxuu bildhaan ka arkay markab nooca dalxiiska ah oo ku dhex sugan badda.Markabkan oo magaciisa lagu sheegay Serena ayaa waxaa lahaa Yuri Shefler oo ah milyan dheer udhashay dalka Ruushka ahna milkiilaha shirkada khamrada sameysa ee Vodka.Maxamed Bin Salmaan ayaa jeclaaday markabkii oo uun markaas indhihiisu ku dhaceen wuxuuna islamarkiiba udiray mid kamid adeegayaashiisi si uu usoo baayaco markabka.

Markabkii ayaa isla saacada gudahood lagu kala iibsaday wuxuuna dhaxalsugaha Sacuudigu markabka ku gatay lacag dhan 550 milyan oo doolarka Mareykanka isagoo isla maalintiiba la wareegay markabkii.

Xiliga uu lacagta intaas dhan ka bixinayo markabkan yarka ah ee dalxiiska, dalka Sacuudiga waxaa kajiray hoos udhac dhaqaale oo ay sababtay beeca saliida oo xiligaas hoos udhac luyimid.Maxamed Bin Salmaan oo markaas ahaa kuxigeenka dhaxalsugaha ayaa si wax looga qabto hoos udhaca dhaqaalaha kuyimid wuxuu amar ku bixiyay in la dhimo miisaaniyada dowlada,in la joojiyo dhamaan qandaraasyada dowladu bixisay iyo in la dhimo mushaaraadka shaqaalaha rayidka halka isagu uu si shaqsi ah ugu tasarufayo hantidii umadda ka dhaxaysay.

Wargeyska The NewYork Times ayaa dhacdadan daabacay bishii October sanadkii 2016.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here