Home Wararka Maanta Masuul ka tirsan Maamulka degmada Dayniile oo caawa lagu weeraray wadada Warshadaha

Masuul ka tirsan Maamulka degmada Dayniile oo caawa lagu weeraray wadada Warshadaha

373
0
SHARE

Qaraxan xoogan ayaa lagu soo waramayaa in Caawa uu ka dhacay Waddada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Dayniile, Korneel Fanax sheegay in Qaraxa uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray.

Korneel Fanax ayaa tilmaamay in Qaraxaasi la doonayay in lagu khaarajiyo mas’uul ka tirsan Maamulka Degmada Dayniile, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Cali Cismaan Wehliye.

 

Dhinaca kale, Cali Cismaan Wehliya oo ka mid ah Guddoomiye Waaxeedyada Maamulka Dayniile ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Qaraxaasi uu ku dhintay wiil yar islamarkaana uu dhaawac ka soo gaaray labo kale oo saarnaa mooto nuuca loo yaqaan Bajaaj.

Qaraxan ayaa waxuu imaanayaa saacado un kadib markii Weerar ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Degmada Wadajir kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 20 Ruux oo u badnaa shacab.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here