Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cumar Tayo oo ku dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Degmada...

Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cumar Tayo oo ku dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Degmada Wadajir !

461
0
SHARE

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay albaabka hore ee xarunta Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku heleyno qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari Caasi ah oo waxaabaha qarxa laga soo buuxiyay laguna soo qariyay qudaar, waxaana laga dhuftay qaraxa albaabka laga galo xarunta Degmada Wadajir.

Khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan goordhaw dhacay, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay laga daad gureenayaa dhaawacyada dadka waxyeeladu soo gaartay.

Warar kale oo ay heshay Umada News ayaa sheegaya in uu dhaawac soo gaaray Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cumar Tayo.

Xarunta Degmada Wadajir uu qaraxu ka dhaca waxaa aad ugu dhaw Suuqa Weyn ee Madiina, waxaana wararka aan heleno sheegaaan in dad ku sugnaa Suuqaasi uu waxeelo kasoo gaaray qaraxaasi aadka u xooganaa.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here