Home Wararka Maanta Dab Ka Kacay Dekedda Magaalada Berbera Oo Khasaare Dhaliyay

Dab Ka Kacay Dekedda Magaalada Berbera Oo Khasaare Dhaliyay

236
0
SHARE

Dab xoog leh ayaa xalay ka kacay Dekedda Magaalada Berbera,Dabka ayaa yimid kadib markii uu Qarxay Konteenar yaalla Barxada lagu Kaydiyo Konteenarada ee Dekedda Magaalada Berbera.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Soomaaliland oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in Konteenarka Qarxay uu siday (ACID) taasine ay dhalisay Qarax walow aysan si faah faahsan uga hadlin Arintan oo Cabsi iyo Argagax ku abuurtay Shaqaalaha Dekedda Berbera.

Konteenarka Qarxay ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu waxyeelo u geystay Konteenar kale oo u rarnaa Nin Ganacsade ah,lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dabkan xalay ka kacay gudaha Dekedda Magaalada Berbera.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Soomaaliland ayaa sheegay inuusan Qaraxaasi khasaare u geysan Dekedda Berbera,wuxuuna xaqiijiyey iney gabi ahaanba basbeeshay Alaabtii ku jirtay Konteenarka Qarxa oo ahayd  waxyaabaha Aashatada leh(ACID).

Dekedda Magaalada Berbera ayaa waxaa Maamulkeeda dhawaan la wareegtay Shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here