Home Wararka Maanta ​Ardayda Puntland Ee Ku Sugan Pakistan Oo Ka Cabanaya Midab Takoor Ey...

​Ardayda Puntland Ee Ku Sugan Pakistan Oo Ka Cabanaya Midab Takoor Ey Safaarada Somalia Ku Hayso [Dhagayso]

243
0
SHARE

Ardayda Puntland ee ku sugan Waddanka Pakistan ayaa ka cabanaya Safiirka Safaaradda Somalia ee dalkaas Marwo Khadija Maxamed Almakhzoumi.

Qaar kamid ah Ardayda waddankaas u joogta waxbarashada oo la hadlay idaacadaha ayaa sheegay inay la kulmaan Xarig, Hanjabaad iyo Haybsooc iyo tagoorid

Mid kamid ah Ardayda oo lagu magacaabo Cabdikariim Xuseen Maxamed, ayaa waraysi uu bixiyay ku sheegay inay soo wajahdsay xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto.

Xuseen oo ku sugan Magaalada Islamabad, ayaa tilmaamay in lagusoo rogay lacago dheeri ah iyo daahinta fiisayaasha dalkaas, taasoo uu xusay inay ka simanyihiin Ardayda Somalia, halka kuwa Puntland u dheertahay haybsoon ku aadan in il gooni ah lagu eego.

Wuxuu sheegay inay dhowr jeer u tageen safiir Almakhzoumi, balse jawaabtu noqotay in la xiro wakiilkii ay dirsadeen.

Ardaygan ayaa intaas ku daray in cabashadooda u gudbiyeen dowladda Pakistan, balse lagu wargaliyay  in dhibaatadan wax ka qabato dowladda Somalia.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here