Home Wararka Maanta Wadooyinka Muqdisho Qaar Ka Mid Ah Oo Maanta Xidhan Sababta?

Wadooyinka Muqdisho Qaar Ka Mid Ah Oo Maanta Xidhan Sababta?

382
0
SHARE

Wararka ka imaanayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in dowladda Soomaaliya ay xirtay inta badan jid cadayaasha laamiga soo galo ee Magaalada Muqdisho iyadoo la filayo inay midaan ka mid tahay waxyaabaha lagu sugayo amniga Muqdisho

Jid cadayaasha laamiga soo galayay ayaa shalay ilaa Xalay lagu gooyay dhagxaan, laga bilaabo Isgoyska Sayidka Illaa Banaadir ee Magaalada Muqdisho, waxaana weli socoto howlo lagu goonayo jidad badan oo soo galo laamiga.

Ilaa hadda is rasmi ah looma ogo sababta keentay in jid cadayaasha soo galayey Laamiyada ugu muhiimsan Muqdisho la xiro, balse wararka qaar waxay sheegayaan inay arrintaan la xiriirto xagga amniga, maadaama la sheegay in Al-Shabaab ay isticmaalaan jid cadayaasha, iyadoo ay xusid mudan tahay in baabuurkii dhawaan isku qarxiyey Hotel Pizza uu soo maray jid cadayaal.

Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa loogu talagalay Xasilinta Muqdisho ayaa ku guuleystay tan iyo markii la shaqo geliyey inay Al-Shabaab ka ilaaliyaan inay qaraxyo ka sameeyaan jidadka ugu muhiimsan ee Muqdisho ,  meelaha Hotelada iyo goobaha dadweynaha isugu imaadaan.

Midaas ayaan keentay inay Al-Shabaab weeraraan Hotel Pizza oo ku yaal xaafado dhexdeeda, waxaana hadda si rasmi ah loo jaray jid cadayaal badan oo muhiim u ahaa isku socodka gadiidka si looga hortago weeraro kale oo ay Al-Shabaab ka geystaan Muqdisho.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here