Home Wararka Maanta DAAWO:-Deg Deg Garaadka Guud ee Reer Khaatumo Garaad Jaamac oo ka soo...

DAAWO:-Deg Deg Garaadka Guud ee Reer Khaatumo Garaad Jaamac oo ka soo horjeestay Heshiiskii Somaliland iyo Cali Khaliif Galeyr!

514
0
SHARE

Garaadka guud ee beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa gaashanka ku dhuftay heshiiskii ay maanta kala saxiixdeen Madaxweynaha Khaatumo iyo Maamulka Somaliland.

Garaadka ayaa sheegay in heshiiska dhex maray Somaliland iyo Maamulka Khaatumo garabka Cali Khaliif Galeydh  uu yahay mid qalad ah oo aan waafaqsaneyn axdiga iyo dastuurka reer Khaatumo.

Garaadka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday heshiiskaasi isagoo wacad ku maray in Reer Somaliland aysan cag soo dhigi doonin deegaanka Khaatumo.

“Heshiiska Hargeisa waa khiyaano Qaran, Dadku kuma dhiman in Hargeisa Martidii Joogtay Marti loo geeyo, Mana Noqon doono Marti Cusub, Wuu i garab taagnaa Cali Khaliif maalintii aan idhi “Nina Gunimo kula Tartami maayo, Halkii ayaana ka taaganahay ”
Qodobka Somaliland ayaanu ku Biiraynaa Awood uma laha inay dhahaan” Ayuu yidhi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here