Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Wararkii Ugu Danbeeyay Weerarkii Hotel Posh Treats iyo Pizza House

SAWIRRO:-Wararkii Ugu Danbeeyay Weerarkii Hotel Posh Treats iyo Pizza House

505
0
SHARE

Waxaa weli cakiran xaalada maqaayadaha  iska soo horjeeda oo ku yaalla agagaarka isgoyska Banaadir degmada Hodan ee magaalada Muqdisho kuwaasoo lagu kala magacaabo Hotel Posh Treats iyo Pizza House ka dib qarax gaari laga soo buuxiyey oo agagaarkooda ka dhacay.

Saraakiisha laamaha amaanka ayaa markii hore sheegay in gaariga qarxay la dhigay agagaarka hotelka, aysana jirin rag hubeysan oo hotelka galay, balse Al-shabaab oo weerarkan sheegatay ayaa waxay warbaahintooda ka sheegeen in qaraxa ka dib ay rag hubeysan oo iyaga ka tirsan gudaha u galeen maqaayada.

Warar goor dhow soo baxay ayaa sheegaya dabley hubesysan ay qaraxa ka dib galeen maqaayada Pizza House oo ay weli ka dhex dagaalamayaan, waxaana beenoobay warar markii hore soo baxay oo sheegayey in galeen maqaatada Posh.

Ugu yaraan afar ruux ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen toban kalena ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay banaanka maqaayada waxaana jira warar khasaaraha intaas ka badinaya.

Ciidamada amaanka ayaa la sheegay iney xireen goobtaas iyagoo soo badbaadiyey qaar ka mid ah shaqaalihii iyo dad ku go’doonsanaa gudaha maqaayada, rasaas xooggan ayaana weli gudaha maqaayada laga maqlayaa.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan oo haddA maraysa heer gebogebo ah.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here