Home Wararka Maanta Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo cadaysay inaysan Qayb...

Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo cadaysay inaysan Qayb ka hayn Manahanjka W. Waxbarshada DFS ay horgaysay Golaha Wasiiradda DFS

176
0
SHARE

Shir jaraa,iid oo maanta 11/jun/ 2017 si wada jir u qabteen Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland Prof: Abshir Yuusuf Aw-ciise,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarshada Maxamed Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada Puntland Maxamed C/qaadir Cismaan waxay uga horyimaadeen manhaj waxbarasho oo la horgeeyay Gollaha Wasiiradda Dowlada Federalka Soomaaliya

Waxaanu caddeynaynaa inuu gaar u yahay Gobollada Koonfuureed iyo Muqdisho manhaj waxbarasho oo Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Federaalku horgaysay Golaha Xukuumadda Somalia, Islamarkaana aanu khuseyn Puntland waxaan arrintaan ku sababaynaa sida soo socota:

  1. Puntland waxay leedahay Manhaj Waxbarasho oo gaamuray, laguna dhaqmayay muddo gaaraysa 15 sano, laga soo bilaabo 2003 ilaa iyo maanta, waxaa la dhammaystiray dhammaan muqarrarkii Dugisiyada Hoose/Dhexe iyo Sareba iyo Manhajka Waxbarashada dadban iyo tan farsamada.

Waxaa sidoo kale la sameeyey Qalfoofkii Manhajka (Curriculum Frame work) oo qeexaya dhammaan maadooyinka ardaygu qaadanayo iyo saacadaha loogu talagalay, kaasoo daboolaya tiirarka Manhajka ee 3da ah sida: Macrifada, Xirfadaha iyo Habdhaqanka.

Manhajka waxaa qayb ka ah Maaddada Tarbiyada Waddaniga ah (Civic Education) oo lagu qaato Dugsiyada H/Dhexe iyo Maaddada Maamul-wanaagga (good governance) oo lagu qaato Dugsiga sare, sidoo kale waxaa Manhajka qayb ka ah: Dhisidda Nabadgelyada, Xallinta khilaafaadka, ballaarinta ka qaybgalka, ilaalinta deegaanka iwm.

Waxaa hadda gacanta lagu hayaa Qorista Buugaagta iyo daabacaddooda, oo sanadkaan aan soo gabagabaynayno.

Waxay arrintaani tilmaamaysa in Puntland ay ka horrayso Soomaaliya inteeda kale, waxayna ardaydu imtixaan ku galayeen Manhajka muddo ku dhow 15 sano.

  1. Waxbarashadu waa Awoodaha Dawlahada xubinta ka ah Dawladda federaalka (State jurisdiction), sababtoo ah waxaa Dastuurka lagu qeexay awoodaha ay Dawladda Federaalku gaarka la tahay sida: Arrimaha Dibadda, Difaaca, Lacagta iyo Jinsiyadda iyo Socdaalka, wixii kazoo haray ee awoodo ah waa in laga wada hadlo sida ku cad Qodobka 54aad ee Dastuurka federaalka, haddaba maadaama aan wali arrintaas laga wada hadlin, Dasaatiirta Dawlado badan oo ku dhaqma nidaamka Federaalka waxay tilmaamayaan in wixii awoodo ah ee aan laga wadahadlin ama laga aamuso ay yeelaan Dawladaha xubinta ka ah Federaalku, sidaas daraadeed waxbarashadu waa awoodaha States ka.
  2. Soomaaliya waxay dooratay nidaam Federaal ah, waana qodob Dastuuri ah, laakiin wali laguma heshiin qaabka Federaalku noqonayo, waxqaybsiga awoodaha Siyaasiga ah iyo dhaqaalaha iyo sidoo kale arrimaha Dastuurka oo wali laalan oo aan laysla meel dhigin, sidaas daraadeed waa degdeg in laga hadlo Manhaj qaran iyadoo arrimihii siyaasiga ah oo dhan wali la taaban.
  3. Nidaamka Federaalka waxaa Base u ah saddex arrimood:
  4. Ma jirto cid leh awood mudlaq ah oo furan, waa in wax walba laysla ogolaado.
  5. Wadatashi in wax walba lagu dhammeeyo.
  6. Waxqaybsi dhinaca awoodaha siyaasadda iyo dhaqaalahaba

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here