Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo Ku Gacanseeyray Codsi uu U Soo Jeediyay Madaxweyne Farmaajo

Axmed Madoobe oo Ku Gacanseeyray Codsi uu U Soo Jeediyay Madaxweyne Farmaajo

382
0
SHARE

Kismaayo:-Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabulaahi Farmaajo oo shalay galab gaaray magaalada Kismaayo xarunta KMG ee Jubaland ayaa sida ay sheegayaan wararku Waxa uu Ahmed Madoobe usoo jeediyey inuu wareejiyo Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha taasoo uu Axmed ku gacansayray.

Ahmed Madoobe ayaa la sheegeen inuu ugu jawaabay madaxweynaha waxaan wareejinayaa Dekedda iyo Garoonka Marka ay Puntland iyo Somaliland wareejiyaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu jawaabay horta Somaliland xaga iska dhig waayo xaaladeedu waa gooni si gooni ahna waa loo galayaa, laakiin Puntland iyo idinku isku mid ma tihiin maxaa Yeelay Puntland waxay bixisaa In Ka badan 20 000. OO ah mushahaaraadkooda kuwaas oo isugu jira ciidan iyo shaqaale adiguse cid aad mushahaar siisaan ma jirto.

Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa u sheegay Axmed Madoobe Puntland Amnigeeda iyada ayaa ilaashata adinkana AMISOM ayaa idin ilaalisa waxaana ku baxa dhaqaale aad u farabadan, Puntland waxay ka talisaa dhul baaxadwayn adiguna Kismayo oo la idinku waardiyeeyo ayaad ka talisaa.

Dhanka kale madaxweyne Farmaajo ayaa ka biyo diiday Ciidanka loo xareeyey inay ka mid noqdaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, kadib markuu ogaaday in 70% ay kasoo jeedaan Beesha Ogaadeen ee Axmed Madoobe wuxuuna ku amray in beelaha Soomaaliyeed ee  Jubaland u dhamaadaan ayna uga dhexmuuqdaan si isle’eg.

Waxaa xusid mudan  maamulka uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe dadka xilalka ka haya ama shaqaalaha ah 95%  waxay kasoo jeedaan Beeshiisa.

Wrarku waxay intaas ku darayaan in isfahami waa ka dhex abuurmay madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe madaxweynaha Jubaland.

Waxaana la Soo Sheegayaa In Madxweyne Farmaajo oo asagoo caraysan uu garoonka Kismayo ka dhuulay  maanta gelinkii Danbe Iyadoo OO La qorshaynayay  inuu sadex casho ku Nagaado Magaaldaasi Kismaayo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here