Home Arimaha Bulshada Madaxweyne Farmaajow 100-kaagii maalmood ficilkoodii far baa iiga taagan !!

Madaxweyne Farmaajow 100-kaagii maalmood ficilkoodii far baa iiga taagan !!

513
0
SHARE

Faalladaydaan aan kaga hadlayo aragtida waxqabad ee Madaxweyne Farmaajo 3dii bilood ayaan jeclaystay in aad ila wadaagtaan si aragti furan.

Qormadaydan ayaan ugu tala galay tala soo jeedin iyo xuquuqda waajibka ah ee iga saaran in aan qeexo dal daloolaha ii muuqda si’aan usaxno Hannaankeena dowladnimo.

Hogaamiyaha ladoortay 8diii febraayo ayaa waxaa si farxadeed looga wada riyaaqay dhammaaan dalka iyo dibadda oo si wayn ay shacabka Soomaaliyeed ugu farxeen.

Ballan qaadyo aad ufara badan midna aanan kahagaagin ayaa 3diii biloood ay nagu soo dhaaftay iyadoo ay hareer socdeen Sawirro qurxoon oo madaxdu soo bandhigaysay,taasoo dhaqangalin cusubna ay dowladdu kahirgalisay Muqdisho,taasoo ay kamid tahay in aysan kahadlin qasaaraha kudhaca bulshada iyo musiibooyinka barakacayaasha usoo hayaamay xamar in aysan xaqiiqa ahaan bulshadu aysan lawadaagin.

Musiibooyinkii dhacay xagga barakayaasha waxaa kamid ahaa in halmaalin ay ku geeriyoodeen halkaam kaliya 79 caruur ah oo udhintay gaajo iyo cudurka Jadeecada halka maalintii xigtana 80tan caruura ay dhinteen hal kaam kale oo isla Degmada Garasbaaley ee Gobalka Banaadir ,cid kahadashay oo dowladda ah Ama maamulka Gobalka uusan jirin musiibadaa xanuunka badan.

Madaxweyne farmaajo ma dhaqangelin ballanqaadkaas isaga 100-kii maalmood ee ugu horeysay tan iyo bishii Feberaayo 8 dii uu socdaal aan kala go’ lahayn ku aaday 9 dal. sidoo kale tirada maalmihii uu ka maqnaa dalka ayaa gaaray 26tan malmood.

30 Qarax, 415 Dhimasho Ah Iyo Heshiisyo Amni
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu shacabka u sheegay markii uu murshaxa ahaa in loo baahan yahay isbadal dhab ah isaga oo marwalba ku cel celin jiray in uu xooga saarayo guud ahaan arinta amniga dalka, gaar ahaan amniga magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Maxamed Farmaajo waxa uu waqtigaas ballanqaaday in arinta aminiga dalka aaney ujeedadeedu aheyn oo keliya qof lagu badalayo qof kale iyo xukuumad mid kale badaleysa.

Gunaanad: –
Qormadaydan ayaa ah qaybtii koowaad iyadoo aad ila wadaagi doontaan qormadeyda labad dhawaan inshaa allaah.

“Amaan aan maankayga galayn damiirkaygi ma’ogola ee Duqa haloosheego”

(Madaxweyne Farmaajow 100kaagii maalmood ficilkoodii far baa iiga taagan )

Mahadsanidiin
Waxaa qoray Hassan Abdikadir Mudey.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here