Home Arimaha Bulshada DHAGEYSO:-Baarlamaanka Switzerland oo doonayo inuu gebi ahaanba mamnuuco safarada dadka haysta sharciga...

DHAGEYSO:-Baarlamaanka Switzerland oo doonayo inuu gebi ahaanba mamnuuco safarada dadka haysta sharciga F-ta

2221
0
SHARE

1 bishan aan ku jirno ee June ayaa kulankii Baarlamaanka wadanka Switzerland ay kaga doodeen in la mamnuuco Baasaboorka ay ku safraan dadka haysta Magangelyada ku meel gaarka ah ee F ka dib soo jeedinta qaar ka mid ah Xisbiyada wadankan.

 

Xisbiyada isku raacay ee arintaasi soo jeediyay ayaa kala ah Xisbiga garabka Midig ee SVP, Xisbiga FDP oo isna u janjeera dhinaca midigta iyo Xisbiga dhexdhexaadka ah CVP inkastoo ay dhammaan xisbiyadaasi ku kala duwanaayeen sababta ay ugu gol yihiin in safarka laga mamnuuco dadka haysta sharciga F ayaa hadana waxaa jira cadaadisyo kaga imaanaya Hay’adaha aan dowliga ahayn ee u dhaqdhaaqa arimaha qaxootiga.

 

Golaha sare ee dowladan Switzerland ayaase arintaasi ka soo horjeeda inkastoo haweenayda haysa xilka wasaarada cadaalada laamaha qaxootiguna ay hoostagaan ee Simonneta Sommeruga ay ku doodayso inay arintaasi ay tahay mid aaan suuro gal ahayn waxaana mar ay arintaasi ka hadlaysay ay sheegtay in ay hore u adkeeyeen in qofka la siiyo Baasaboorka yar ee ay ku safraan dadka haysta F kana yaalaan shuruudo adag qofka doonaya inuu safro, waxaana ay sheegtay in arintaasi aad looga fiirsado maadaama bay tiri ay saamaynayso dad fara badan oo sharcigaa haysta waxaana ay sheegtay inaanay suurto gal ahayn in sharcigaas gebi ahaanba la mamnuuco.

 

Sommeruga oo arintaasi sharaxaad ka bixinaysa ayaa tiri (Waxaa dhici karta in ilmo yar oo Iskuul dhigta uu ka haro ardayda kale ee Fasalkiisa marka ay aadayaan Schwarzwald).

 

Ugu dambayn Baarlamaanka ayaa aqalka wakiilada (Ständerat) u gudbin doona soo jeedintaasi, dadka wax ka qora siyaasada wadankan ayaa ka dhawaajiyay in arintaas ay suurto gal tahay in la ansixiyo iyagoo taas sabab uga dhigaya in dadkaas intooda badan ay tagaan wadamadii ay u dhasheen asal ahaan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here