Home Arimaha Bulshada Ciyaaryahan Daahir Biirhoof oo ku dhintay Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho!

Ciyaaryahan Daahir Biirhoof oo ku dhintay Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho!

839
0
SHARE

Muqdisho:- Ciyaaryahan Daahir Maxamed Mukhtaar ayaa galabta ku dhintay qarax ka dhacay Maqaayad ku taal Xerada Sheelare oo ka soo horjeeda Soomaali Fruit oo u dhow Dakedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Ciyaaryahan Daahir Bierhof oo ahaa Laacib si weyn looga yaqaan Dalka ayaa waxaa uu ka tirsanaa Kooxda LPP JEENYO iyo Xulka Qaranka Soomaaliya.

Ciyaaryahanka maanta geeriyooday ayaa waxa uu dhowaan ku soo laabtay dalka isagoo ka soo ciyaaray Horyaalka dalka Tanzaania.

Maamulka iyo shaqaalaha Umada News waxa ay Tacsi ka dirayaan geerida ciyaaryahan Daahir Biirhoof.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here