Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo oo si cajiib ah loogu soo dhoweeyay Dalka Sacuudiga

SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo oo si cajiib ah loogu soo dhoweeyay Dalka Sacuudiga

367
0
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi la socda ayaa gaaray magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyada Sacuudi Carabiya , waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madax katirsan Boqortooyada Sacuudiga.

Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shirka magaalada Riyaad uga furmay Hogaamiyaasha Wadamada Islaamka iyo Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, waxaana shirkaasi looga hadli doonaa arimo kala duwan.

Shirkan inta uu socdo waxaa diirada lagu saarin doono la dagaalanka kooxaha loogu yeero xagjirka ah,waxaana ka qeyb galaya inta badan hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo booqasho ku jooga sucuudiga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in shirka kadib kulamo la qaato qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa shirkan, waxa uuna kala hadli doonaa taageerada dowlada iyo in garab lagu siiyo la dagaalnka kooxda Al Shabaab.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here