Home Wararka Maanta SAWIRRO:-R/wasaare Kheyrre oo ka qeybgalay kulan lagu taageerayay duqa Muqdisho

SAWIRRO:-R/wasaare Kheyrre oo ka qeybgalay kulan lagu taageerayay duqa Muqdisho

157
0
SHARE

R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa la qeybgalay xaflad  lagu taageerayay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed taasoo lagu qabtay Muqdisho,

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyrre oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in wixii cabasho ah iyo xuquuqda gobolka Banaadir ay diyaar u yihiin in la helo, hase ahaatee ay waajib tahay in lala shaqeeyo guddoomiyaha, loona soo maro isaga si nidaamka waafaqsan.

Mudane Kheyrre ayaa sheegay in dadka Muqdisho ay yihiin udub dhexaadka qarannimada Soomaaliya, isagoo xusay in dowladdana ay diyaar u tahay in ay dib u eegto cabashada shacabka Banaadir ee mansabka iyo xuquuqda gobolka uu lahaa.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here