Home Arimaha Bulshada 11 Ruux oo Shuban-biyood ugu dhimatay Deg. Ceeldhe

11 Ruux oo Shuban-biyood ugu dhimatay Deg. Ceeldhe

208
0
SHARE

in ka badan 11 Ruux ayaa ugu geeriyooday cudurka Shuban-biyoodka tiro intaasi ka badanna waa uu soo ritay Deegaano hoos yimaada Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud.

Deegaannada uu Cudurkaasi ka jiro ayaa kala ah:- Xalaneey, Hulcaduur, Howdleey, iyo Dalxiis, sida ay Dadka Deegaanka u sheegeen Wakaaladda Wararaka Soomaaliyeed ee SONNA.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in 11-ka Ruux ee u dhimatay Cudurkaasi ay lix ka mid ah ku geeriyoodeen gudaha Isbitaalka Degmada Ceeldheer, taasi oo laga garan karo heerka Daawo la’aaneed iyo daryeel xumo ee ka jirta goobahaasi, waxaana Deegaanadaasi ay ku hoos jiraan Kooxda Al-shabaab.

Maamulka Isbitaalka Degmada Ceeldheer ayaa sheegay in ay Isbitaalka ka jirto dawo la’aan, si loola tacaalo cudurada noocaan oo kala ah, iyagoo xusay in intii ay hayeen la isticmaalay, cudurkuna uu sii fidiyo ayna badan yihiin Dadka uu soo ridanayo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here