Home Arimaha Bulshada XOG DEG DEG AH: Mashquulkii ugu badnaa oo ka jira Xafiiska Gudoomiye...

XOG DEG DEG AH: Mashquulkii ugu badnaa oo ka jira Xafiiska Gudoomiye Taabit & 7 Gudoomiye oo…

47
0
SHARE

Wararka caawa naga soo gaaraya aqalka dowladda hoose ee Xamar ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed uu sameyn doono xilka qaadis iyo magacaabid lama filaan ah.

Ilo wareedyada la helayo ayaa sheegaya in ku dhawaad 7 degmo caawa la filayo iney xilalkooda waayaan isla markaana la magacaabo kuwa kale.

” Caawa waxuu gudoomiye Taabid qabanayaa howl culus, waxaana la filayaa inuu xilka qaadis iyo magacaabid sameeyo” sidaas waxaan kasoo xiganay shaqaalaha xafiiska maamulka gobolka Banaadir.

Gudoomiyaasha la filayo in la magacaabo ayaa waxaa kamid ah Xamar Jajab iyo Warta Nabadda, sidoo kale, waxaa la filayaa in la badalo maamulka Hodan iyo Howl-wadaag.

Si kastaba, latashiyada la xariira magacaabida ayaa soo dhamaatay, waxaana la filayaa in isbadal weyn uu ku dhici doono awood qeybsiga dhanka beelaha ee gudoomiyaasha.

Hoos ka Akhri Gudoomiyaasha degmo ee Caawa la filayo in lagu dhawaaqo.

1- Hodan

2- Xamar J/Jab

3- Warta Nabadda

4- Howlwadaag

5- C/Casiis

6- Kaxda

7- Yaaqshiid

8- Huriwaa

Waxaa laga yaabaa in magacaabidda gudoomiyaasha degmooyinka laga ogaado aalada Twitterka ama laga sii daayo raadiyaha dowladda oo kaliya oo aanan saxaafada loo yeerin.

La soco Wararkii soo Kordha Insha Allah

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here