Home Arimaha Bulshada Guddoomiye Jawaari oo Nairobi gaaray, xili ay halkaas isku urursanayaan xildhibaano Mucaarad...

Guddoomiye Jawaari oo Nairobi gaaray, xili ay halkaas isku urursanayaan xildhibaano Mucaarad ah

152
0
SHARE

Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Safarka Jawaari oo noqonaya kii ugu horeeyey ee uu dalka dibadiisa ugu baxo tan iyo markii dib loogu doortay xilka sadex bilood ka hor ayaa waxaa ku wehliya xildhibaano iyo xubno kale.

Sida ay sheegayaan warar ku dhow Baarlamanka ujeedada safarka gudoomiye Jawaari ayaa la xiriira sidii ay kulamo ula soo yeelan lahaayeen wakiilo ka socda beesha caalamka iyo dalalka deeqda bixiya oo fadhigoodu yahay magaalada Nairobi.

Safarka guddoomiyaha Baarlamanka Somalia ku tegay magaalada Nairobi ayaa ku soo aadaya xili ay halkaas isku urursanayeen beryahan xildhibaano boqol gaaraya oo mucaaradsan xukuumada kuwaasoo beryahan halkaas ku lahaa kulamo iyo shirar ay ku mideynayeen aragtidooda, lamana oga in Guddoomiye Jawaari uu la kulmi doono iyo in kale.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here